SSC oo war cusub kasoo saartay dagaalka Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Isimida SSC ayaa markale ka hadlay dagaalka bishii saddexaad ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaasi oo kala dhaxeeya ciidamada Somaliland ee ku sugan gobolkaasi.

Garaad Mukhtaar Garaad Cali oo ka tirsan Isimada SSC ayaa waxa uu sheegay in uu soo xirmay albaab kasta oo nabadeed, islamarkaana ay iska difaacayaan Somaliland, oo uu sheegay inay duulaan kusoo qaaday dhulkooda.

“Albaab kasta oo nabadeed usoo ximay waa isdifaaceyna. Waxaan u taaganahay waji kasta oo aan isku difaaci karayno,” ayuu yiri Garaad Mukhtaar Garaad Cali.

“Waxaa kulka dhariga ka keena waa kulaylka, dilka iyo madfaca dhacaya wuxuu socda muddo 3 billood ah, inta waxaanu ku jirnay is difaac iyo is ilaalin, waana sii wadeyna.”

Sidoo kale waxa uu sii xoojiyay hadalkii uu dhawaan sheegay garaadka guud ee beelaha SSC Garaad Jaamac Garaad Cali, oo ahaa inuu dulqaadkii ka dhamaaday oo ay la dagaalamayaan Somaliland hada kadib, mar haddii ay dhamaatay bishii Ramadaan.

“Rejooyinkii wada-hadalada ee lagu joojin lahaa colaadda Laascaanood waa ay suurtagali weyday, haddii aan ciidamada Somaliland aan la geyn Oog.”

Garaadka ayaa waxa uu sheegay in xadka ay Somaliland ku doodaysa uu yahay mid Ingiriis jeexay, Ingiriisna aanu wakiil ka ahayn meesha ay tahay in Soomaalidu xad ka dhigato, “waxaa rabnaa xuduudo beeleedyadii hore ee Soomaalida u dhaxayn jiray ama xuduudihii 60’kii kadib lagu heshiiyay.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ka dhawaajiyay in sida kaliya ee xal nabadeed looga gaari karo ama wada-hadal ula gali karaan Somaliland ay tahay iyada oo ciidamada Somaliland la geeyo saldhiga Oog.

Hadalkan ayaa imanaya xilli uu Garaadka Guud ee beelaha SSC uu cadeeyay in go’aankoodu yahay inay deegaankooda u tashadaan oo Soomaaliya ay ku soo biiraan oo cid Soomaali ka baxsan aysan taladoodu u daba fariisa doonin hadda kadib.