Cumar Xasan Rooraaye oo lagu aasay Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) – Cumar Xasan Rooraaye oo kamid ahaa fanaaniinta Soomaaliyeed ee aadka loo jecel yahay oo shalay galinkii dambe ku geeriyooday magaalada Hargeysa, ayaa maanta lagu aasay caasimadda Somaliland.

Allaha unaxariiste Cumar Xasan Rooraye ayaa ka mid ahaa heesaagii iyo jilayaashii hobolladii Waaberi ee Soomaliyeed.

Aaska marxuumka Cumar Xasan Rooraaye ayaa waxaa ka qeyb-galay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo qeybaha kale ee bulshada, iyaga oo Eebe uga baryey in uu naxariistii janno ka waraabiyo.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-galinta Somaliland Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa dhambaal tacsi ah u diray ehelkii, qoyskii, qaraabadii, bahda fanka, shacabka reer Somaliland iyo guud ahaanba dadka afka Soomaaliga ku hadla geerida ku timi Alle ha u naxariistee fanaanka.

Wasiirka ayaa marxuunka ku sifeeyey “in uu ahaa heesaa iyo fanaan caan ah oo fanka ku soo jiray muddo ka badan konton sanadood,” wakhtigana ka mid ahaa shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta.

Wasiirka ayaa marxuumka eebe uga baryey in uu naxariistii janno ka waraabiyo, ehelkii, qaraabadii, bahda fanka iyo guud ahaanba shacabka Somaliland uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Cumar Xasan Rooraaye ayaa fanka ku jiray muddo ka badan konton sano, wuxuuna fankiisu ugu fiicnaa sannadihi todobbaatanaadkii iyo sideetamaadkii.