Ciidamada DF oo nolosha ku qabtay xubno Shabaab ah

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay howlgal culus ka sameeyeen agagaarka degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah looga sameeyay deegaanka Ceel-Qansax oo hoostaga magaaladaasi, waxaana lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa shaaca ka qaaday inay burburiyeen fariisin ay xoogaga Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, isla-markaana ay isku uruursanayeen, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay in ay nolosha ku qabteen ilaa iyo 5 ka tirsan xubnaha Al-Shabaab ee ku sugnaa deegaanada la weeraray.

Waxaa sidoo kale saraakiisha Xoogga dalka ay intaasi kusii dareen in ay gacanta ku dhigeen gaari nooca xamuulka qaad ah oo loo yaqaano BG, saanad ciidan, raashin iyo shidaal.

Ciidamada huwanta ayaa sidoo kale isku fidiyan deegaanka howlgalka laga sameeyay oo hoostaga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga Galcad, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ku sheegteen ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda.

Galcad ayaa waxaa marar badan isku bed beddalay labada dhinac, kadib dagaallo ka dhacay magaaladaas oo kamid ah meelihii ugu dambeeyay ee lagala wareegay Al-Shabaab.