Al-Shabaab oo shaacisay magaca ismiidaamiyihii fuliyay weerarkii lagu dilay Xasan Tuure

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa haatan shaacisay magaca iyo xogta ninkii fuliyay qaraxii koowaad ee uu ku billowday weerar tooska ahaa oo ay  AlShabaab bishii January ee sanadkan ku qabsadeen magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud, walow haatan kooxda dib looga saaray degmadaasi.

Kooxda oo filim ka diyaarisay weerarkaas ayaa ninka fuliyay qaraxa koowaad oo ahaa ismiidaamin ku sheegtay magaciisa Abshir Caamir Isxaaq, kaas oo isku qarxiyay saldhig ay ciidamada Danab ku leeyihiin halkaasi.

Ninkan ayaa sidoo kale muuqaalka ay baahiyeen Al-Shabaab ku sheegay inuu kasoo dagaalamay gobollada Baay iyo Galgaduud oo ka kala tirsan Koonfur Galbeed iyo Galmudug

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in markii dambe uu ku biiray kooxda is-qarxinta Al-Shabaab, isaga oo ugu dambeyn fuliyay is-miidaamiyay, kuna baxay weerarkii Galcad.

Kooxda Al-Shabaab ayaa weerarkii Galcad ku dishay askar badan iyo saraakiil ciidan oo uu ku jiray taliye ku xigeenkii ciidamada Danab oo lagu magacaabi jiray, General Xasan Tuure oo hoggaaminayay howlgalladii Al-Shabaab looga saaray gobolka Shabeelaha Dhexe iyo bariga gobolka Hiiraan.

 Al-Shabaab ayaa inta badan soo bandhigta wareysiyo ay ka duubaan maleeshiyada weerarada fulisa, kuwaasi oo laga dheehan karo in dhalinyaradaas lagu maran-habaabiyay diinta, laguna shubay fikir qaldan oo galaaftay nafahooda.

Maalmihii lasoo dhaafay Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada dheelmadka ah ee ay ku qaadeyso saldhigyada ciidamada dowladda, waxaana u dambeeyay weerarkii deegaanka Masagawaa oo lagu dilay askar iyo odayaal dhaqameed ku heyb ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo ay horkaceyso dowladda federaalka, waxaana sidoo kale qayb ka ah dadka deegaanka.