MOOSHIN loo qeybiyey xildhibaanada

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya, ayaa shalay loo qeybiyey mooshin ka dhan ah sharciga guddiga cusub ee dastuurka Soomaaliya oo muran badan dhaliyey.

Mooshinkan loo qeybiyey xildhibaanada baarlamanka, ayaa waxa uu ku saabsanyahay sharci ahaanshaha guddigan oo uu magacaabay wasiirka garsoorkaiyo dastuurka Somalia Faarax Cabdulqaadir.

Mooshinka ayaa yimid kadib markii Faarax Cabdulqaadir uu dalbaday in wax laga beddelo hanaanka Sharciyadeed ee guddiga dastuurka.

Ayaga oo taas ka amba qaaday ayaa xildhibaanada baarlamanka qaarkood waxa ay mooshin geeyeen baarlamanka, si looga hortago is-beddelka Faarax uu qorsheeyey.

Tallaabada wasiirka Garsoorku ku dalbanaayo, in isbedel loogu sameeyo Sharciga Guddiga Garsoorka, ayaa waxaa si weyn u diiday xildhibaanno ku dhow illaa 50.

Mooshinkan ayaa waxa uu go’aan ka gaari doonaa in la meel mariyo Sharciga Guddiga Garsoorka iyo inaan la meelmarinba, waxaana dadaal wada Faarax Cabdulqaadir oo si loo meel mariyo sharciga.

Maalmo kadib ayaa cod loo qaadi doonaa mooshinkan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com