Kullamadii BF SOOMAALIYA oo weli u xayiran go’aaankii BEELAHA HAWIYE

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah shaaciyay in uu dib-u-dhac uu ku yimid xiritaanka fadhigga baarlamaanka, waxaana ay sababta ku sheegeen markii ay dhowr jeer koram la’aan uu u baaqday shaqooyinka baarlamaanka.

Sidda qorshaha uu ahaa bisha Ramadaan waxaa lagu waday in baarlamaanka la fasaxo lana soo xiro fadhigooda balse arrintaas waxaa dib u dhac ku keenay markii xildhibaannada ay ka soo qeybgali waayeen kulamada baarlamaanka.

Waxaa arrintan lagu sameeyay maadama xildhibaannada qaar, gaar ahaan kuwa Hawiye ee baarlamaanka ay ka soo horjeesteen heshiis maamulada koonfur galbeed ay dhawaan ku gaareen magaalada Muqdisho.

Mahad Cabdalle Cawad oo ah guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka ayaa warbaahinta u sheegay in maalinta berri uu dhacayo kulanka baarlamaanka maadama shaqooyin badan ay u taallo.

Dhawaan magaalada Muqdisho waxaa shir ku yeeshay beelaha Hawiye waxaana ay sheegeen in ay kalsoonida kala laabteen dowladda waxaana ay ugu baaqeen xubnaha wasiiradda iyo xildhibaannada in aysan shaqo tagin ilaa inta dowladda ay ka laabaneyso taageerada ay siiyay maamulka seddaxda gobal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com