Xaad: Haddii aqoonsiga 3-da aysan DF Somalia ka laaban waxaa dhici doona..

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye, Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay haddii madaxda dowladda fedaraalka Soomaaliya aaney ka laaban aqoonsiga ay siiyeen maamulka seddaxda gobal ee koonfur galbeed in ay horseed u noqon doonaan dhibaatooyin hor leh oo ka dhaca dalka.

Xaad oo la hadlaayay BBC-da ayaa sheegay in madaxda dowladda oo laga rabay in ay ilaaliyaan dastuurka KMG ah in ay horseed u noqdeen in la jabiyo qaar ka mid ah qoddobada ku qoran dastuurka.

Xaad ayaa sidoo kale sheegay in beelaha Hawiye ay go’aan qaateen kaasoo ah in ay xiriirka u jaraan dowladda fedaraalka Soomaaliya maadama ay ku dhaqaaqday arrin aaney jecleesan taasoo ah in ay aqoonsadeen maamulka seddaxda gobal ee koonfur galbeed.

Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka Hawiye ayaa la weydiiyay maadama uu madaxweynaha ka soo jeedo Haweiye isla markaana uu taageeray heshiiska lagu mideeyay labada maamul waxay ku diiddan yihiin.

Wuxuu sheegay in madaxweynaha uu yahay qof bini’aadin ah isla markaana uu qaldami karo balse go’aankooda aaney ka laaban doonin ilaa inta dowladda ay ka laabaneyso aqoonsiga ay siiyay maamulka seddaxda gobal ee koonfur galbeed.

Xaad ayaa xusay in ay weli aqoonsan yihiin dowladda balse wixii qalad ah aaney ka yeeli doonin sidda uu hadalka u dhigay.

Hadalka guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan shir ay ku yeesheen Muqdisho beelaha hawiye ay ku dhawaaqeen in ay kalsoonida kala laabteen dowladda isla markaana wax wadashaqeen aan la yeelan doonin ilaa inta ay kala laa baneyso aqoonsiga maamulka KMG ah ee seddaxda gobal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com