Mooshinka XASAN oo shaqooyin badan abuuray

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho laga dareemayaa guux Siyaasadeedka ka dhashay Mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne Xassan Sheekh.

Mooshinka ayaa waxa uu fursad shaqo u noqday Siyaasiyiin ku dhow dhow Madaxweyne Xassan ee ka haray Xukuumadii dhacday ee uu Hogaamin jiray Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia C/weli Sheekh Axmed.

Siyaasiyiintaasi oo kor u dhaafaya 10 ayaa iminka garwadeen ka noqday Mooshinka cusub waxa ayna dhex dhexaad u yihiin Madaxweyne Xassan oo aan la dhacsaneyn Mooshinka iyo Xildhibaanada ka tirsan BF Somalia ee iyagu Mooshinka ka geeyay Madaxweynaha dalka.

Siyaasiyiintaani ayaa waxa ay Madaxweyne Xassan marba u geynayaan tallo looga guuleysan karo Xildhibaanada Mooshinka geeyay, waxa ayna taasi muujineysaa mid uu Madaxweyne Xassan ku bixinaayo dhaqaale adag, bacdamaa ay iibsanayaan qorshooyinka xalka looga gaari lahaa Mooshinka.

Siyaasi waliba waxa uu Madaxweyne Xassan ku qaalqaalinayaa inuu qaato talooyinkiisa balse Madaxweyne Xassan oo ay ku shamuumsan yihiin Mooshin wadayaasha ayaan ku calool fiyooben tallooyinkaasi inkastoo uu qalbiga ku qaboobsanaayo.

Sidoo kale, waxa ay Xildhibaanada si qarsoodi ah ugu gudbinayaan qorshooyinka horyaal Madaxweynaha si ay kaga feejignaadan, waxa ayna taasi dhalisay in Mooshinka uu noqdo mid aan xal laga gaarin bacdamaa Madaxweyne Xassan uu saaxiib u noqday Afkaar kala duwan oo ay dhaqaale ku raadinayaan Siyaasiyiinta.

Si dhab ah looma saadalinkaro natiijooyinka laga filankaro Madaxweyne Xassan iyo Siyaasiyiinta ka dhex macaasheysa Mooshinka laga gudbiyay Xassan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com