KISMAAYO KAMA TIRSANA KILINKA SHANAAD

Doorashada Axmad Madoobe waa been la dhoodhoobay, waana xikmadi ahayd hal booli ah nirig xalaal ah ma dhashaa? Maqaalkaani waa farriin iyo guubaabo ku socota dadka u dhashay Jubbooyinka ood moodo inay aqbaleen ama ay is-dhiibeen. Waxaan rabaa inaan xasuusiyo xikmad la yaab leh oo laga soo weriyay Boqol Faysalki Sacuudiga oo ahaa geesi isagoo kale aan marna Carab laga heli doonin…mar uu la kulmay Charles DeGaule, Madaxweynihi Faransiiska oo ku yiri ” Yahuuda waa inaad oggolaatiin maxaa yeelay waa AMRUL WAAQIC..markaasuu ugu jawaabay ”berigii Jarmalka qabsaday dalka Faransa maxaad ula dagaasheen ood u oggolaan weydeen AMRUL WAAQIC” DeGaule halkaasey feynuusti uga dentay. Haddaba, reer Jubbooyinka ha maqlina hana rumeysanina hambalyo la yiri waxaa soo diray BEESHA CAALAMKA oo ka kooban QM, AMISOM, EU, IGAD iyo UK. Nassib darro, dadkeenu badankiisu ma oga inaysan jirin wax la yiraahdo BEESHA CAALAMKA. Dadka ku adeeganaya magacaas waa kooxo gaar ah oo fulinaya dano iyaga u khaas ah iyo danaha u adeegaya Kenya & Ethiopia.

Haddii aan mid-mid u soo qaadanno ururada kor ku xusan waxaad arkeysaa in Wakiilka Q.M.Nick Key uu yahay nin la waraabsado oo wixi la faro ku dhawaaqa, isagoon u aaba yeelin cawaaqibta ka soo bixi karta, waana tan horseeday in meelo kale dunida ah laga soo buriyay marki la arkay sida dhaqankiisu rakhiis u yahay. Ciidamada AMISOM looma keenin inay siyaasad ka hadlaan ama cid gaar ah taageero u muujiyaan, howshooduna waa xagga ammaanka oo kaliya. Midowga Yurub cid u leh awood inay magacaas u adeegsato siyaasadaha gurracan ee ka jira dalalka ay Somaliya ka mid tahay ma jiro…laga yaabee inay jiraan diplomaasiyiin yar-yar ee la adeegsan karo kaddib markii la baray ”laaluush”. Wakiilka IGAD oo ah Max/ed Cabdi Afey oo horey ugu fashilay siyaasaddi NFD ayaa arrinta aqoonsiga doorashada Axmad Madoobe soo billaabay asagoo ay qabyaaladu riixeyso, mana laha culeys siyaasadeed oo warkiisa la aqbali karo, waxaana la xaqiijiyay in isaga shakhsiyadiisa sanka laga wada heysto, waxa uu ku hadlayana aan wax qadirin ah la siin, waana sababta uu ku waayay in dib loogu doorto barlamaanka Kenya.

Ugu dambeyn dowladda U.K. waxay u adeegtaa Kenya & Ethiopia, iyadoo ku dayaneysa siyaasadda Mareykanka oo ka xishooday inuu ka hadlo arrintaan aadka u murugsan lagana yaabo inay horseedo burbur iyo barakac baaxad weyn, waana sida ay ku haminayaan kuwa lagu sheego BEESHA CAALAMKA.

Haddaba, dadka u dhashay Jubbooyinka waa inay hurdada ka kacaan oo ay diidaan ayna horjoogsadaan in dadka laga soo daadgureynayo Kilinka 5aad lagu abuuro Jubbooyinka si la idiinka raro oo dhulkaan barwaaqda ah la idinkala wareego..waana siyaasaddi ay Yahuuda kula waregtay dhulki Falastiin. Dadka Jubbooyinka waxaad ka liidatiin xagga war-is-gaarsiinta ama”propogandada” oo ah inaadan waxba ku qorina wargeysyada adduunka iyo website-yada Somalida oo ah meelaha la isku soo dhaafay…waana isla dhibaatada heysata Madaxweyne Xasan Sheikh oo meelo badan duullaan looga yahay, mana heysto hal qof oo agtiisa joogta, ama meel kale, oo daacad u ah, howlahaana u qaabilsan. Tallaabooyin hordhac ah oo lagu badbaadinayo gobolkiina ku dhaqaaqa intey goori goor tahay, adinkoo adeegsanaya go’aanki Barlamaanka Federaalka uu ku laalay Barlamaan ku-sheega Jubba oo sidaas ku naqday BAADIL aan wax sharci ah ku dhisneyn, ciddi uu doortana aysan sharci ahayn. Howshaan waxay u baahan tahay in la helo dad dhan walba ka bisil oo ka mira dhali kara meel kasta ay joogaan.

Ugu dambeynti, waxaa waajib ku ah qof kasta oo dalkaan wanaagiisa jecel inay arkaan dhibaatada curudunka ah ee loo maleegaayo ummaddaan si aysan uga ka soo kabsan dhibaatooyinki soo gaaray. Waxaana howsha xowli dheer ku wada dad uu hogaan u yahay Cabdiweli Gaas, Madaxa Puntland, oo ah kanser ku yaalla dhuunta ummadda jecelna inay meeshi aanu ka nimid meel ka xun kana dhibaato badan dib noogu celiyo, isagoo adegsanaya magac qabiil ama jufooyin uu ku adeeganayo si uu u baabi’iyo himilada iyo horumarka ay ummaadu higsaneyso oo hadda bidhaanteedu soo muuqato. C/weli Gas iyo ciddi la safan waa in laga qabtaa Somaliya, ummaddana ay meel uga soo wada jeesataa si looga badbaado balaayada ay buufinayaan isaga iyo wixi la safan, jufadi ay doonaan ha ahaadeen!!!

W/Q: Cali Mubarak

ali_mubarak1@outlook.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid