Xildhibano ka tirsan BF oo maanta Jowhar tagay

Jowhar (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo kasoo jeeda Shabeelaha Dhexe ayaa maanta tagay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana xildhibaanada magaalada kusoo dhaweeyay masuuliyiinta maamulka gobolka.

Xildhibaanada ayaa waxaa safarkooda ku wehliye safiirkii hore ee dowlada Soomaaliya ugu magacownaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya Maxamed Cali Nuur Americo iyo waxgarad ka raacay magaalada Balcad ee gobolka Shabeelaah dhexe.

Xoghayaha gudoomiyaha Shabeelaha Dhexe oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in jeedada wafdiga ee magaalada Jowhar tahay sidii ay kaga qeyb gali lahaayeen  xaflada sanad guurada koowaad ee kasoo wareegatay markii xilka gudoonka Shabeelaha dhexe uu qabtay Cali Guudlaawe.

Xog aan heleyno ayaa sheegaysa in sidoo kale wafdiga ay doonayaan in maamulka Shabeelaha dhexe ay kala hadlaan arimaha ku aadan maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Waa markii ugu horeysay Cali Americo uu safar ku tago Jowhar tan iyo markii laga qaaday xilka safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com