Dhageyso: AMISOM oo qiratay xasuuqii arooska

Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa markii ugu horeysay qirtay iney ka dambeeyeen xasuuq dad rayid ah loogu geystay aroos ka dhacayey magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay iney ogaadeen in ciidamo ka tirsan AMISOM ay dad rayid ah ku dileen magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Maman Sidikou, ayaa sheegay in seddex askari loo xiray dhacdada ka dhacday magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose, isagoo sheegay in wali ay socdaan baaritaanada ku aadan sababaha ka dambeeya dilka ka dhacay magaalada.

Maman Sidikou wuxuu sheegay in dadka la dilay ay gaarayaan 7 ruux oo lix kamid ah ay isku qoys ahaayeen kuwaasi oo ku sugnaa xaflad nikaax oo ka dhaceysay magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Wakiilka ayaa sidoo kale sheegay iney ka tacsiyeynayaan dilka ka dhacay magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose, laakiin ay sii wadi doonaan baaritaanada ku aadan eedeymaha loo jeediyay ciidamada AMISOM.

31 bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markii dad rayid ah ciidamada AMISOM ku dileen magaalada Marko kuwaasi oo badankood isku qoys ahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com