XOG: Guuleed oo 22 xil u oggolaaday maamulka Ahlu-Sunna si ay GalMudug kaga mid noqdaan!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida Caasimada Online xog ku heleyno maamulka Galmudug ayaa xilal dhowr ah u ogolaaday maamulka Ahlu sunna ee gobolada dhexe si ay kaga tanaasulaan fikirka maamulkooda oo ay ku biiraan maamulka Galmudug ee madaxweyne  C/karii Xuseen Guuleed.

Xogta Caasimada Online ay heleyso ayaa cadeyneysa in ku dhawaad 22 xil loo ogolaaday ururka Ahlu sunna Waljamaaca si ay kamid noqdaan maamulka Galmudug ee gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Xogta ayaa sheegaysa in loo ogolaaday Ahlu sunna, afar wasiir, afar wasiir ku xigeen, afar agaasime iyo tobon xildhibaan oo baarlamaanka ka mid noqda, taasi oo xildhibaanada baarlamanka ka dhigi doonta 99 xildhibaan.

Ahlu sunna Waljamaaca ayaa iminka u muuqda kuwo kala jaban waxaana qaarkood ay ku dhawaaqeen maamulka gobolada dhexe ee Ahlu sunna oo fadhigiisu yahay magaalada Dhuusomareeb.

Xubanaha gaaray Magaalada Cadaado oo diyaarka u ah qaadashada Jagooinka Ahlu-Sunna waxaa ka mid ah. Shiikh Ibraaahin Gureeye oo ahaa Gudoomiyaha Sedaxda Gele ee Ahlu-Sunna, Shiikh Cumar Cabdulqaadir oo ahaa Gudoomiyaha Talada ee Ahlu-Sunna, Shiikh Cabdiweli Sheikh Maxamed oo ahaa Xoghayaha Maaliyada ee Ahlu-Sunna iyo  Macalin Cabdiraxmaan Geeda Qoroow oo ahaa Gudoomiyihii Degmada Dhuusamareeb ee Maamulka Ahlu-Sunna.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com