Daawo wareysi xasaasi ah: Faarax Cabdulqaadir: Dalka SOOMAALIYA waxaa ka taliya shisheeye!!

Muqdisho (Caasimada Online) –  Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ka mid ah Baarlabaanka DFS marna soo noqday wasiiru dowle iyo wasiirkii hore ee caddaaladda, ayaa bixiyay wareyso dhinacyo badan taabanayo. Wareysigaas oo aay dad badan aad ula yaabeen wakhtiga lagu soo beegay ayaa waxaa uu aad uga hadlay ugana faallooday awoodda uu ku leeyahay madaxtooyada iyo talada dalka guud ahaan.

Faarax ayaa u muuqda in uu sii hurinaayo dabka siyaasadeed ee haysta Madaxweynaha. Dad badan ayaa isweydiinaayo waxa ku qasbay in uu waqti xaadirkan ah uu bixiyo wareysi noocan oo kale ah.

Waxaa uu sheegay in Talada dalka uu wax ku leeyahay, Soomaali kaliyana aaysan waddanka ka talin ee shisheeyana uu talada wax ku leeyahay. Taasoo uu ula jeedo Itoobiya

Halkan ka daawo

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
caasimadda@live.com