Ciidan badan oo Jowhar lagu daadiyay + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Gobolka shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii ugu danbeeyay gudaha iyo daafaha Maamulkaasi lagu arkaayay Ciidamo ka tirsan Dowlada Somalia oo sugaayay Amaanka Magaalada.

Ciidamadaani lagu daadiyay inta badan Magaalada ayaa si aad ah u hubeysaa waxa ayna isugu jiraan Boolis, Nabad Sugid, iyo Militeri oo magaalada ka dhex waday baaritaano saameeyay guri iyo gaari waliba.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Magaalada Jowhar ee Gobolka shabeelaha dhexe ayaa inoo xaqiijiyay in Ciidamadaani loogu talagalay sugida Amaanka Magaalada xili ay ku beegan tahay maalintii xilka Gudoomiyaha Gobolka shabeelaha dhexe loo soo Magaacabay Gudoomiye Cali C/llaahi Xuseen ‘’Cali Guud-laawe’’

Sidoo kale, qorshaha Ciidamada loo soo daadiyay ayaa qeyb ka ah Siyaasad uu Maamulka ugu diyaar garoobayo in Shirweynaha lagu qabto deegaanadooda kaasi oo iminka uu ka taagan yahay is qabqabsi ku aadan halka lagu qaban lahaa.

Dhanka kale, DF Somalia gaar ahaan Wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa ka fiirsaneysa halka la dhigi lahaa gogosha Maamulka loogu sameyn lahaa Sh/Dhexe iyo Hiiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com