Dhageyso: Jeelle “Mooshinka yaan la daahinin”!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Mudane Salaad Cali Jeelle oo horay u soo noqday Xildhibaan, iyo Wasiir ku xigeenkii Gaashaan dhigga xilligii ku meel gaarka, ayaa si aad ah uga hadlay mooshinka hadda laga keenay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamud.

Salaad Cali Jeelle oo wareysi siiyay idaacadda Kulmiye ayaa aad ugu nuux nuuxsaday in aanan waqti la dhumin mooshinka loo gudbiyo Maxkamadda Sare si loogu soo celiyo codna loogu qaado.

Waxaa uu aad ugu dheeraaday kulana taliyay Madaxweynaha iyo Guddoonka Baarlamaanka in aay sharciga ilaaliyaan. Waxaa uu yiri “Madaxweynaha waxaa uu xaq u leeyahay in uu is difaaco oo uu keeno wixii caddeeymo ah oo uu hayo, waayo buu yiri, kiiska lagu soo oogay ma aha mid sahlan.

Isagoo la hadlaayay Xildhibaanada ayaa wax uu sheegay in aay habboon tahay in sharciga la ilaaliyo. “Kuwa saxiixay mooshinka ee raba in aay ka noqdaan, ha sugeen inta cod looga qaadayo sida uu qabo sharciga iyo xeer hoosaadka Baarlabaaanka. Ma aha arrin qurux badan in idaacadaha laga sheego wax aanan jirin iyo waa ka noqday mooshinka. Halka hoose ka dhegeyso wareysiga oo buuxa

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
caasimadda@live.com