Mooshinkii gudoomiyhii baarlamanka 1965 iyo kan 2018 (PM Abdirizak iyo PM Kheyre)

Kaddib doorashadii 30th maarso 1964 oo aqlabiyada Baarlamaanka ee ku guuleysteen xisbigii SYL 69 xildhibaan iyo 12 xildhibaan oo doorashadii ka dib ku biiray SYL oo ka dhigtay 81 MPs, Wadarta guud ee xildhibanada waxay ahayeen 123 xildhibaan.

Hal sano kaddib Febaraayo 1965, waxa mooshin laga keenay gudoomiyihii baarlamaanka Axmed sheikh Maxamed oo laga soo doortay Berbara, Somaliland. Waxa mooshin ka keenay 55 xildhibaan SYL waxa lagu eedeeyay in uu mooshinkaas kadaal ka riixayay PM Abdirizak oo ka mid ahaa SYL.

Kulankaas baarlamanka waxaa xaadiray 119 xildhibaan, waxaana codka kalsoonida kala laabtay 85 mudane waxa ka aamusay 1 xildhibaan,halka 33 mudane ee kahor yimadeen.

Gudoomiye Axmed Sheekh Maxamed waxa lagu eedeeyay inuu caqabad ku yahay mashaariicda SYL iyo howlaha horyaalo baarlamaanka. Ka dib Waxa gudoomiye baarlamaan loo doortay Sheekh Muqtaar oo laga soo doortay baydhabo.

Doorashadii 2017 hal sano ka dib waxa mooshin laga keenay gudoomiye Jawaari, waxa lagu eedeeyay Jawaari inuu caqabad ku yahay baarlamaanka shaqadiisa iyo ku tagrifal awoodeed. Waxa gadaal ka riixayo mooshinka PM Kheyre.

Khudbadii Ra’iisul wasaare Kheyre ka hor jeediyay baarlamanka inta codka loo qaadin wasiirada wuxu yiri ““Xukuumaddayda, waxaa hal-beeg u noqon doona Karti iyo Hufnaan, sidii hal-hayska u ahayd Ra’iisul Wasaarihii hore, Allaha u naxariistee, Mudane Cabdirasaaq Xaaji Xuseen.

Ra’iisul wasaare Cabdirasaaq Xaaji Xuseen wuxu khudbadaan jeediyay 15 June 1964 markii uu magacaabay golihiisa wasiirada.

Waxay kalo ka siman yihiin inay aad uga hadlaan “Musuqmaasuqa”.

Waqtiga iyo duruufaha aad ayay ukala duwanyihiin laakin Soamaalia moashin kuma cusba iyo ra’iisul wasaare mooshimaya gudoomiye baarlamaan.

W/Q:  Abdinasir Gedi