Halkee ayuu Madaxweyne Farmaajo marinayaa dadaalka uu ugu jiro xalinta Khilaafka soo dadajiyay Mooshinka?

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa weli ku howlan dadaalka uu ku qaboojinaayo Khilaaf Siyaasadeedka u dhexeeya Guddoomiyaha baarlamaanka ee uu Mooshinka ka yaal Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Xildhibaanada Mooshin wadayaasha ee Mooshinka gudbiyay.

Madaxweyne Farmaajo oo ka duulaaya xiliga lagu jiro iyo Khilaaf Siyaasadeedka heerka uu maraayo, ayaa kulamo gaargaar ah la qaadanaaya Xildhibaanada qeybahooda kala duwan, si looga wada shaqeeyo xalka.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa la soo sheegayaa in Xildhibaanada qaar uu ku qanciyay inay ka shaqeeyan maankooda isla markaana qaboojiyaan xiisada Siyaasadeed ee muuqata, waxaana dalabkaasi soo dhaweeyay qaar kamid ah dhinacyada u nugul xasiloonida dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale, Xildhibaanada aan u nuguleyn daminta khilaafka ugu baaqay inay ka dhex baxaan labada dhinac si loo qaboojiyo khilaaf Siyaasadeedka, waxa uuna tilmaamay inuu tixgalinaayo aragti waliba oo khuseysa Mooshinka.

Sidoo kale, mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Madaxtooyada Somalia ayaa dhankooda kawada dadaal lagu doonaayo in lagu qaboojiyo Mooshinka, waxaana halkaa ka socda kulamo joogta ah oo aan kala joogsi laheyn.

Geesta kale, baarlamaanka Somalia ayaa isku raacay in Mooshinka lagu xalinkaro keliya in lagu kala baxo cod bixin, oo la filaayo inay dhacdo maalmaha fooda nagu soo haya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com