Muxuu Jawaari kala kulmay wakiilada beesha caalamka?

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia ee Mooshinka ka yaal Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa qoraal codsi ah dhawaan u kala diray dhammaan Xafiisyada ay wakiilada Beesha Caalamka ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Qoraalka codsiga ah ee Jawaari ayaa waxaa Beesha Caalamka looga dalbanaayay inay tixgaliyaan codsiga, isla markaana ay codeynta Mooshinka ku qabtaan Garoonka gaar ahaan Hoolkii lagu doortay Madaxweyne Farmaajo.

Wakiilada Beesha Caalamka oo ka jawaabaya codsiga Jawaari, ayaa aqbalay in cod bixinta Mooshinka lagu qabto Hoolka, maadaama uu meel xun gaarsiisan yahay Mooshinka.

Waxa ay Beesha Caalamka sidoo kale aqbashay codsi ka imaaday Jawaari oo ah in amaanka goobta cod bixinta ay gacanta ku qabtaan ciidamada AMISOM ee Nabad ilaalinta u jooga Somalia.

Codsigaan oo uu jeediyay Jawaari ayaa  Beesha caalamka ay ka aqbaleen si loo ilaaliyo dimuqoraadiyadda hayeeshee ay u dhacdo cod bixinta xor iyo xalaal ah, waxa ayna sheegeen in cod bixinta ay ka dhici doonto Teendhada ku taal Marina Gate ama Afisyooni ee lagu doortay Farmaajo.

Sidoo kale, wakiilada Beesha caalamka ayaa Ururadda bulshada rayidka u kala diray codsiyo ku aadan inay kasoo qeybgalaan cod bixinta, si ay goobjoog uga noqdaan codeynta.

Dhinaca kale, waxa ay wakiilada Beesha caalamka ee Somalia isku raaceen in doorashada loo dhamaado, isla markaana ay ku qabsoonto hanaan lagu wada heshiiyay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com