Xoosh ‘’Cidan Muudey aheyn naguma sii hogaaminkarto howlaha BF, Jawaari mugdi ayaa ku jira’’

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa weli magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia kawada ololaha Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jaawaari.

Xildhibaanada qaar ayaa sheegay inaanu xaadiri doonin xarunta Golaha Shacabka waa haddii uu Guddoomiye Jawaari isku dayo inuu kusii shaqeeyo Guddoomiyenimada, waxa ayna ku baaqeen in iyadoo la dhowraayo sharciga ku-simaha baarlamaanka uu noqdo C/wali Muudey.

Xildhibaanada sheegay inaanu ka qeybgali doonin kulamada baarlamaanka haddii uu Jawaari kusii shaqeeyo Guddoomiyenimada ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan ahna Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil.

C/raxmaan Xoosh Jibriil, ayaa sheegay in C/wali Muudey uu yahay Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka, maadaama Mooshin uu ka yaallo Guddoomiye Jawaari.

Waxa uu C/raxmaan Xoosh Jibriil sheegay in eedeymaha iyo Mooshinka Jawaari uu yahay mid culus, sidaa aawgeed uusan qabankarin xilka ilaa iyo arrintiisa meel ay u dhacdo.

Wasiir Xoosh oo mar walba dood ka keena arrimaha sharciyada ee la isku qabsaday ayaa waxaa uu jideeyay in C/wali Muudey yahay Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka, markii qaar ka mid ah Xildhibaanada ay ka hor-yimaadeen.

Xiisada ka dhalatay Mooshinka ka yaalla Jawaari ayaa cirka isku sii shareertay, iyadoo labada dhinac ee Mooshinka taageersan iyo kuwa ka soo horjeeda ay hadalo is sii hurinaya xiisada ay warbaahinta isugu marinayaan.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii ay dood ka dhalatay hadal ka soo yeeray C/wali Muudey oo ahaa inuu yahay Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com