Maxaa ka cusub mooshinki ka dhanka ahaa Juba

Muqdisho (Caasimada Online) –War goordhow naga soo gaaray Xarunta BF Somalia ayaa sheegaya in Xildhibaanada Baarlamaanka ay laaleen Mooshinkii laga keenay Baarlamaanka MKG Jubba.

Xildhibaan Shuuriye oo kamid ah Mudanayaasha BF Somalia ayaa warbaahinta u sheegay in Mooshinkaasi lalaalay, waxa uuna tilmaamay in leysku raacay in arrinta la xiriirta dhismaha Baarlamaanka Jubaland wax laga weydiiyo wasaarada arimaha gudaha ee DFS.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in Xildhibaanada keenay Mooshinka laga tiro batay, taasina ay keentay in Gudoonka Baarlamaanka ay ku dhawaaqan go’aanka ah in arrimahaasi loo daayo Wasaarada.

Dhanka kale, Xildhibaanada ayaa lagu wargaliyay in wixii khuseeya Maamulka Jubaland ay kala hadlaan Wasiirka arrimaha Gudaha DF Odawaa.

BF ayaa shalay u guda galay ka doodista Mooshinka, Xildhibaanada is qoray ay gaarayay ilaa 39 Xildhibaan,kuwaas oo 19 kamid ah ay Baarlamaanka ka hor hadleen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com