Militeriga Ethiopia oo qabsaday saldhigyo Kenya ay leedahay Kenya iyo gaadiid dagaal oo galay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Nairobi ee Xarunta Kenya, ayaa sheegaya in gaadiid dagaal oo ay leedahay Dowlada Ethiopia ay gudaha usoo galeen xadka Kenya.

Wararku waxa ay sheegayaan in Ciidamada Ethiopia ay qabsadeen Saldhigyo ciidan oo ay ku sugnaayen Ciidamada Booliska Kenya kuwaasi oo ku yaalla xadka kala beyra Kenya iyo Ethiopia.

Wargeyska Daily Nation, ayaa goor dhow qoray in Ciidamada Ethiopia ay gacanta ku dhigeen Saldhigyo Ciidan, waxa uuna sidoo kale daabacay in Ciidamada Ethiopia ay wateen ku dhawaad 1o-gaari nooca dagaalka ah.

Xadka kala beyra labada dal ayaa waxaa iminka ka taagan Saan-saan colaadeed oo labada dowladood u dhexeeysa, iyadoona Dowlada Kenya ay xadka soo dhoobtay inkabadan 15 gaari nooca gaashaaman si ay uga feejignaadan duulaanka Ethiopia.

Ciiddanka Ethiopianka ayaa 16-KM gudaha u galay xuduudka Kenya, oo ay ka degeen goobo Istaraatijiyad leh.

Saldhiga ay qabsadeen Ciidamada Militeriga, ayaa ku yaalla Deegaanka Illeret ee Gobalka Waqooyiga Horr, waxa ayna qorsheynayaan inay kusii siqaan gudaha, sida uu wargeysku qoray

Geesta kale, Kolonel David Obonyo oo ah Afhayeenka Ciidanka Difaaca Kenya, ayaa sheegay inaysan ku baraarugsanayn dhacdadaasi, balse ay qaadi doonaan talaabo lidi ku ah Ethiopia.

Duulaankaani ayaa noqonaayo markii sadexaad oo ay Ciiddanka Ethiopianka gudaha u galaan xuduudka ay la wadaagaan Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com