Mooshinkii ugu yaabka badnaa oo la geeyey BFS

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa ku soo baraarugay xadgudubka Kenya ku soo samaysay dhulka Somaliya, iyadoo ku andacoonaysa inay dhisayso darbi kala qaybiya labada dal.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada, ayaa waxay soo jeediyen Mooshin ka dhan ah xadgudubka Kenya ee dhulka Somaliya, waxayna u soo gudbiyen Guddoonka Sare Baarlamaanka Somaliya.

Gudoomiye Ku Xigeenka 2-aad Baarlamaanka Somaliya, Mahad Cabdalla Cawad oo la hadlay Warbaahinta Dowladda, ayaa xaqiijiyay in Mooshin aragti ah ay soo jeediyen Xildhibaanada.

“Mooshinkaasi Xildhaabanadu waa aragti ayay ka soo diyariyen fadhiyada soo socda ayaana la qaybinayaa, marakaas ayayna so galaysaa ajandaha, haddii Allaah yiraahdo. Laakiin Xildhibaanada way ka hadleen mooshinna way ka soo jeediyeen, waana loo qaybin doonnaa.” Ayuu yiri Gudoomiye Ku Xigeenka 2-aad.

Mahad Cabdalla Cawad, ayaa hoosta ka xariiqay in Golaha Shacabka (Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya), ay ka hadlaan wax kasta oo tabanaaya qasdiga dalka, go’aanana ay ka soo saaraan.

“Golaha Shacabku wax walba oo shuruucda shacabka Somaliyeed tabanaaya waa ay ka hadlaan, qaraaro ayay ka soo saaraan, Xukuumadana way ugu yeeraan, si ay ugala xisaabtamaan wixii arrintaas ayada ah laga qabo.” Ayuu yiri Mahad Cabdalla Cawad.

Cawad waxa kaloo uu xaqiijiyay in Guddoonka Sare Baarlamaanka la soo gaarsiiyay Mooshin kale, oo la xiriira dagaalada ka soconaaya xuduuda Somaliya iyo Itoobiya.

“Arrimo kale oo xaduuda Somaliya iyo Itoobiya oo ammaan darada ugu weyn ee dhacday, ayadana xafiiska shir guddoonka mooshin waa ka soo gaaray.” Sidaasi waxaa yiri Cawad.

Dadka Somaliyeed, ayaa si weyn ula yaaban mooshinkan iyo haddii ay sharci tahay in arrin noocaan ah mooshin laga keeno, ayaga oo taa bedelkeeda u arka inay ahayd in xukuumadda Somalia ay arrintan kala hadasho dowladda Kenya

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com