XASAN SHEEKH iyo Shariif Xasan oo ay ka tafan tahay kaddib BALLAN ka bax lagu sammeeyey…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed ee Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa khilaaf cusub oo xooggan waxa uu kala dhaxeeyaa madaxweyne Xasan Sheekh, sida ay sheegeen xubno isaga ku dhow.

Wararku waxa ay tibaaxayaan in Shariif Xassan uu jaray xiriir Siyaasadeedka kala dhexeeya DF Somalia, kadib markii Xassan Sheekh uu baal-maray heshiis ay wada galeen Maalmo ka hor oo dhigaayay inaan xilka laga qaadin danjiraha Somalia u fadhiyay Turkiga Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxman.

Heshiiska ayaa la sheegayaa in labada Mas’uul ay wada gaaren 31/05/2015 maalmo ka hor inta aan xilka Safiirnimo laga qaadin Mursal oo uu booskaasi geystay Shariif Xassan.

Xiriirka Madaxweyne Xassan iyo Shariif Xassan ayaa sii xumaanayay tan iyo markii xubno ka tirsan Baarlamaanka Somalia ay Mooshin ka keeneen Baarlamaanka Jubba oo la aaminsan yahay in Mooshinkaasi uu dhaqaale ku bixinaayo Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed, waxaana xigay xil ka qaadista Mursal.

Dhanka kale, Khilaafka labada Mas’uul ayaa waxaa xiligaani dhex dhexaadin ka dhex wada Xildhibaano iyo Odayaal dhaqmeed kasoo jeeda Deegaanada uu ka arimiyo Maamulka Shariif Xassan waxaana Madaxweyne Xassan lagu cadaadinayaa in Mursal uu geeyo boos kale oo uu ku calool fiyow yahay Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com