Beesha Habar-Gidir oo ku gacanseertay codsi uu usoo jeediyay R/W CUMAR Sharma’arke (XOG) !!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo Xubno ka tirsan Beesha Habar-gidir oo qeyb ka ah shirka ka socda Magaalada Cadaado ee xarunta Maamulka Xinam iyo Xeeb ayaa sheegaya in Beesha ay laaday codsi uu u jeediyay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

Mid kamid ah Ergooyinka oo sababa jiro awgeed ka gaabsaday magaciisa ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in xiriir uu la soo sameeyay Ra’isul wasaaraha kuna gacanseeray inay u hogaansamaan, waxa uuna sheegay in Codsiga Cumar C/rashiid uu ahaa mid ku qotomay in sameeyaan tanaasul ku saabsan sidii qaar ka mid ah tirada ergooyinkooda loo dhimi lahaa si loo qanciyo beelaha kale ee cabashada qaba.

Sidoo kale, waxa uu intaa hadalkiisa kusii daray in soo jeedinta codsiga Ra’isul wasaaraha uu yahay mid ay ku gacanseeren islamarkaana aysan xiligaani diyaar u aheyn inay ka tanaasulaan xuquuqda ay shirka ku leeyihiin bacdamaa ay ku dooden in shirka uu maraayo heer gabogabo.

Ergooyinka buuqa ka kiciyay Hoolka shirka ayaa iyagu sabab uga dhigay in iyaga oo heysta tirooyin qabyo ah, hadana lagu cadaadinaayo Dastuur aan lagu sii wargalin islamarkaana uu ka buuxo qodobo awood gaar ah lagu siinaayo Beesha Habar-Gidir oo iyagu deegaanada ugu badan ka dega Cadaado iyo guud ahaan Gobolada Dhexe.

Ra’isul wasaare Cumar oo buuqa kadib xiriiro kala duwan la sameeyay xubnaha DF Somalia u jooga Cadaado ayaan ku guuleysan in xal laga gaaro Buuqa iyo Khilaafyada soo cusboonaaday, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in Beelaha qaar ee ka dambeeyay foodada wacad ku mareen inay shirka isaga bixi doonaan.

Dhanka kale, Ra’isul wasaare Cumar ayaa lagu wadaa in safar kale uu ku gaari doono Magaalada Cadaado si uu u qaboojiyo Khilaafka cusub ee dhaliyay xasarada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com