“CC waxaa ku maqan 20 milyan, Xasan Shiikh-na wuxuu jebiyey rikoor cusub” Waxaa sidaas yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Yuusuf Ciise oo ka mid ah howl-wadeenada bangiga dhexe ee Soomaaliya, ayaa ka hadlay Xukuumadda Soomaaliya oo shaqaalaha Dowladda aan siin wax mushaaraad ah, isaga oo xusay in Dowladnimadii Soomaaliya ay noqotay in Wasaarad kasta ama Hay’ad kasta oo Dowladda ka tirsan ay noqotay mid qisaas uu ku haysto shaqsiga markaa madaxda ka ah.

“Madaxda Dowladda Soomaaliya waxeey ku mashquulsan yihiin dhaqaale uruursi gudaha & dibedda intaba. Soomaali, waxey maqli jirtay Cabdi Abaa. Hadda, waxaa yimid Cumar Aboor. Yaa darran Abaar & Aboor.? Cumar C/rashiid intii uu R/wasaaraha ahaa shaqaalaha & ciidamada Dowladda 2 billood ayeey mushaar qaateen 6-dii billood ee la soo dhaafay. Cumar C/rashiid wuxuu lunsaday 20 Milyan oo dollar. Madaxweyne Xassan Sheekh-na wuxuu jebiyey iskoorka ka qeybgalka xafladaha caleema saarka madaxweynayaasha caalamka; iyada oo weliba shacabkii uu mas’uulka ka ahaa la gumaayo” Ayuu yiri Yuusuf.

Wuxuu intaa ku daray in Hogaamiyaha wanaagsan sifooyinkiisa ay ka mid tahay in caruurta & hooyooyinka Soomaaliyeed ay la mid yihiin kuwiisa oo kale, balse wuxuu ku tilmaamay madaxdii Soomaaliya soo martay qaarkood uu ku tilmaamay kuwa danahooda keliya ka shaqeynaya.

“Waxaa mar walba adduunka ka dhaca oo aan aragnaa; Madaxweyne isaga oo socdaal ku maraya dibedda marka uu maqlo qof ama 2 qofood oo dalkiisa u dhashay in la dilay ama la waxyeeleeyey, socdaalkii uu dibedda ku marayey asoo gaabiyaa; Madaxweyne Xassan Sheekh 80-kii qofood ee marasta aheyd ee lagu laayey tuulooyinka dhinaca Soomaaliya soo xiga ee xudduuda la leh dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya, inuu ka hadlo iska daaye xittaa wuxuu tahli waayey inuu falkaasi cambaareeyo” Ayuu yiri Dr. Yuusuf, wuxuuna u soo jeediyey dadka Soomaaliyeed ee Gobolka Galguduud & nawaaxigiisa degan in ay iyagu isku tashadaan, kana dhiidhiyaan falalka ay gumeysigu kula kacayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com