Mootada laba lugaaleyda ee Muqdisho ka shaqeyso oo amar laga soo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in dhowaan shir ka dhacay Muqdisho islamarkaana ay ka qeyb galeen mas’uuliyiinta amaanka ee dowladda Soomaaliya la isku afgartay in Muqdisho laga joojiyo Mootada laba lugaaleyda oo ay dadka Muqdisho u yaqaanaan (Dhug-dhugley).

Xubnaha aan la hadalnay ayaa sheegay in amarkaan aan wali lagu dhaqaaqin balse la isku afgartay, waxaana sababta lagu sheegay in la helay xog tilmaameysa in Muqdisho lagu diyaariyay rag wata Mootooyinkaan oo qaraxyo Ismiidaamin ah ka geysan doono Gobalka Banaadir.

Goobaha laga joojin doono ama la isku afgartay laga bilaabo ayaa ah wadada hormarta Madaxtooyada Soomaaliya, Saldhigyada muhiimka ah ee ciidamada amaanka, Wasaaradaha qaar iyo goobo kale.

Mootada Dhug-dhugleyda waxay kamdi ah gaadiidka sida weyn loogu isticmaalo Muqdisho waana mid kamid ah gaadiidka aan wadooyinka ka xirmin, taas oo ka dhigtay in dad badan oo shaqeeya ay soo iibsadaan si ay shaqooyinkooda ugu tagaan.

Xogta aan helnay ayaa sidoo kale tilmaameysa in goobaha laga joojin ay qeyb ka tahay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho oo ah aagga sida looga isticmaalo oo ay uga shaqeeyaan sida gaadiidka BL-ka ah.

Arintaan ayaa shaqa la’aan ku ridi karta boqolaal dhalinyaro ah oo ka raadsada nolal maalmeedkooda, ayaga oo dadka ku qaada ama ugu adeega ganacsiyada doonaya inay adeegyadooda gaarsiiyaan macaamiisha.