Muqdisho: DF oo ciidan ku daadisay waddo halistu ku badatay dhowaanahan

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ee Gobalka Banaadir ayaa ciidamo boolis ah dhigay wadada 21-ka October ee ka leexata KM4 islamarkaana tagta ilaa Dekada Muqdisho kadib markii ay halkaas ku kordheen qaraxyada dhulka la geliyo oo ay ku dhinteen dad badan kuwa kalane ay ku naafoobeen. 

Wadadaan oo maristeeda muhiim tahay islamarkaana ka mid ah wadooyinka aan mashquulkooda ama ciriirigooda badneyn ayaa dhowr jeer waxaa si joogta ah uga dhacay qaraxyo u badan Miinooyinka soo boodada ah ee la dhigo Laamiga geeskiisa, taas oo lala beegsaday saraakiil ciidan iyo shaqaale dowladeed. 

Dadka halkaas lagu qarxiyay islamarkaana ka badbaaday waxaa kamid ah General Cali Xirsi Barre Cali Gaab oo laba jeer lagu qarxiyay, guddoomiyaha degmada Hodan oo ilaa hadda la jiifo dhaawicii ka soo gaaray, iyo tobaneeyo qof oo kale. 

Qaraxii ugu dambeeyay ayaa waxaa ka badbaaday Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya waxaana talaabadaan lagu dhigay ciidanka la aamisan yahay in ay yareen karto qatartii weyneed ee halkaas ka jirtay. 

Wadada hadda la dhigay ciidanka amaanka ee booliska Soomaaliya dhowr jeer oo hore ayaa dowladda Soomaaliya loogu baaqay in ay ciidan dhigto. Sidoo kale waxaa sidaas oo kale ciidan in la dhigo u baahan wadada Cabdiqaasim oo noqotay meel ay ku bateen Qaraxyada dhulka la geliyo.