Mowqifka cusub ee DF ee ku aadan maamulka Galmudug

Cadaado (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo galabta meel fagaara ah kula hadlay bulshada magaalada Cadaado ayaa sheegay in DFS ay ka go’antahay in la dhammaystiro hay’adaha dowladeed ee maamulka Galmudug.

Mudane Xasan Cali Khayre oo khudbaddiisa ku sheegay in uu Cadaado u yimid in uu la kulmo waxqaradka iyo maamulka ayaa caddeeyay in dadaalka ay dowladdu bixinayso si buuxda loogu taageerayo dadka reer Galmudug oo iyagu leh go’aanka ugu dambeeya ee laga gaarayo mustaqbalka iyo aayaha maamulka ay doonayaan in uu u adeego.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in dowladdu ay gacan ka gaysaneyso qabashada dooraasho Galmudug oo xor iyo xalaal ah taas oo dhabbaha u xaareysa ka shaqaynta danaha iyo mustaqbalka reer Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo habeenkii sedaxaad Galmudug ku jooga socdaal shaqo ayaa shalay socdaal dhulka ah oo uu uga soo baxay Dhuusamareeb waxa uu kusoo gaaray Cadaado isaga oo tuulooyinka iyo magaalooyinka uu socodka kusoo maray kula soo kulmay bulshada qaybaheeda kala duwan oo farxad kusoo dhaweeysay wafdiga uu hoggaaminayo.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com