mucaaradka dowladda Farmaajo Oo godkooda biyo ugu soogeleen kadib go,aankii Aadan Barre

Nairobi-(Caasimadda Online)-Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa u digay Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada mucaaradka ku ah dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo inay shirar ku qabtaan magaalada Nairobi.

Aadan Ducaale ayaa tilmaamay in dowladda Kenya oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta aysan marnaba ogoleyn in laga mucaarado dowladda Soomaaliya magaalada Nairobi

”Xiriir aad u wanaagsan ayaa nagala dhaxeeya dowlada ay hogaamiyaan Farmaajo iyo Kheyre, Kenya raali ka ma ahan in gudaheeda shirar Siyaasadeed lagu qabto lagana mucaarado dowlada Somalia, ” Ayuu yiri Xildhibaan Aadan Barre Ducaale.

Waxaa uu sheegay in siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada ay u ogol yihiin inay Nairobi yimaadaan, kuna nastaan, balse aysan ogolaan doonin inay dowladda ku mucaaradaan.

“Halkaan Nairobi uma ogolin inay ku mucaaradaan, hadii ay rabaan Jabuuti, Addis Ababa iyo Dara salama ha aadaan, hana ku mucaaradeen”ayuu yiri Aadan Barre Ducaale oo xilligan wajahaya cadaadis uga imaanaya Maxkamadda Kenya oo ku aadan qaabkii uu ugu guuleystay doorashada, isla markaana la filayo in mar kale lagu celiyo doorashadii uu ku guuleystay bishii August ee sanadkii hore.

Siyaasiyiin iyo Xildhibaano katirsan dowlada Soomaaliya mucaaradna ku ah dowlada Farmaajo ayaa saldhig waxa ay ka dhigteen dalalka Kenya iyo Imaaraatka si ayu uga mucaaradaan Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Dowladdii ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la xusuustaa in meelaha siyaasiyiinta mucaaradka geed fadhiga u ahaa ay ka mid ahayd magaalada Nairobi, iyadoo Madaxweyne Farmaajo halka uu Ololihiisa doorasho iyo midii mucaaradnimo ee uu kala soo horjeeday dowladdii Xasan Sheekh uu ka soo bilaabay Nairobi oo muddo deegaan u aheyd.

macadda sida ay usaamayn doonto mucaaradka dowladda  hadalka Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com