Wasiirka amniga oo mar kale digniin culus u kala diray dhinacyada Hubka culus wata (Go’aan)

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ay dib uga bilowdeen isticmaalka Hubka waaweyn ee lala maro waddooyinka ayaa waxaa arrintaas mar kale amar kasoo saaray Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle).

Wasiir Ducaalle, ayaa sheegay in Wasaaradiisa ay si toosa ula xisaabtami doonto dhammaan Hay’adaha amniga, Wasiirada iyo Xildhibaanada dowlada.

Wasiir Ducaalle, waxa uu sheegay in dhammaan dhinacyada kor ku xusan uu kula xisaabtami doono Hubka ay ku dhexwataan magaalada Muqdisho iyo waddooyinkeeda.

Wasiir Ducaalle, waxa uu cadeeyay in mar kale ay mamnuuceen in magaalada lagu dhexwato Hubka kaweyn AK47, waxa uuna cod dheer ku sheegay in sharciga ay la tiigsan doonaan cidii jabisa amarka, isla markaana ka qaadi doonaan Hubka dheeriga ah ee laga mamnuucay magaalada.

Ducaalle, ayaa sheegay in Ciidamada Millitariga Soomaaliya ee ka imaanaya Shabeelooyinka si gaara uga digayaan in ay Hubka waa weyn la soo galaan gudaha magaalada, sida Daba-jeexa iyo Qoriga Dhashiikaha.

Sidoo kale, wuxuu Wasiir Ducaalle sheegay arrintan inuu kala hadlay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, wuxuuna Taliyaha soo saaray wareegto ah, marka Ciidamada xoogga imaanayaan Muqdisho in ay fasax ka qabaan isaga.

‘’Looma baahno in Hubka kaweyn AK47 lagu dhex isticmaalo magaalada Muqdisho, waan ku celineynaa ciidankii lagu qabtaa Hubka mamnuuca ah in lala hortagi doono sharciga’’

Dhinaca kale, Ducaalle ayaa Hubkaasi sababta loo mamnuucay ku sheegay in loogu tallo galay furumaha dagaalka iyo in lagu qalqal galiyo shacabka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com