Faysal Waraabe oo weerar ku qaaday dowlada Jabuuti kadib markii uu banaanka soo dhigay..

Muqdisho (Caasimada Online)-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka maamulka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa daboolka ka qaaday in dowlada Jabuuti ay caqabad ku tahay Horumarada Somaliland.

Faysal Cali Waraabe, oo la hadlaayay warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegay in dowlada Jabuuti ay cuuryaamin ku bilowday dhammaan Hormaradii ay ku talaabeysay Somaliland.

Faysal Cali Waraabe, waxa uu tilmaamay in dhammaan Madaxda Jabuuti ay isku raaceen in horumarada Somaliland ay caqabad ku tahay tan Jabuuti.

Waxa uu farta ku goday in Jabuuti ay Somaliland kala dagaalameyso dhinacyada Dekaddaha, waxa uuna qiray in cuuryaaminta Somaliland laga yeeshay shirar dhowr ah, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu Faysal Cali Waraabe arrin aad u fool-xun ku sheegay in dowlad jaarkooda ah ay kala kulmaan dhibaato dhanka horumarada ah, waxa uuna ku baaqay in go’aan degdeg ah laga qaato.

Sidoo kale, Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in talaabada ceynkaas ah ay sababi karto xitaa amni darro ka dhacda dhulka Somaliland, iyadoo lagala dagaalamaayo dhanka Horumarka.

Dhinaca kale, waxa uu Guddoomiye Faysal ugu baaqay Hogaamiyaha maamulka Somaliland inuu qaado talaabo looga hortagaayo caburinta ay wado Jabuuti.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com