Xog: Qorshe lagu xalinaayo Khilaafka R/W Kheyre iyo Taabit oo ka socda Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose ayaa sheegaya in wadahadal laga dhex bilaabay Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Kheyre iyo Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thabit Cabdi.

Wadahadalka labada mas’uul ayaa waxaa ololihiisa wada Xildhibaano iyo Odayaal kasoo kala jeeda beelaha Hawiye, iyadoo uu qorshahu yahay in meesha laga saaro mugdiga u dhexeeya Kheyre iyo Taabit.

Illo ku dhow dhow Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sheegaya in tirro Xildhibaano iyo Odayaal ay kala hadleen arrintaasi Ra’isul wasaaraha si xal waara looga gaaro Siyaasadaha isdiidan ee labada mas’uul u dhexeeya.

Illo wareedka aan xogtaan la wadaagnay ayaa intaa kusii daraaya in Ra’isul wasaare Kheyre uu soo dhaweeyay wadahadalka laga dhexe abuurayo labada mas’uul oo ku kala fogaaday Siyaasada.

Ra’isul wasaare Kheyre iyo Taabit ayaa Siyaasad ahaan aad isugu dhawaa, waxa uuna khilaafkooda soo degdegay wixii ka danbeeyay tuhuno ka dhan ah Taabit oo loo geeyay Ra’isul wasaare Kheyre.

Siyaasada Somalia ayaa aalaaba kala geysa Madaxda iyo Siyaasiyiinta saaxiibada dhow ah, waxaana taa loo sababeynayaan Siyaasada Somalia oo ku dhisan daneysinimo.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan la ogeyn halka uu ku danbeyn doono wadahadalka laga dhexwado Kheyre iyo Taabit, wallow iminka la sheegay inuu maraayo meel wanaagsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com