Heshiis Soomaaliya iyo Ethiopia – Taxanaha Maxaabbiistii 77 – Qaybta Lix iyo Tobnaad

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalkii 1977 ee Soomaaliya iyo Ethiopia waxaa xigay xaalad aan col ahayn nabadna ahayn.  Waxaa soohdinta labada daraf ka fadhiyay ciidan xoog leh si haddii midka kale uu lacalla soo duulo ay isaga daafacaan.  Waxaa dal kastaa uu hubeynayay Jabahadaha la dagaallamaya kan kale.  Waxaa idaacadaha labada caasimadood ka baxayay dacaayad ka dhan ah midka kale.

1988 ayaa Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre iyo Hoggaamiye Mengistu Hailemariam ay ku kulmeen Djibouti, caasimadda Jamhuriyadda Djibouti.

Labada hoggaamiye waxay la noolaayeen xanuunka Jabhado ku sii xoogeysanaya. Awoodda militer ee jabhadaha, culeyskooda   siyaasadeed iyo galaangalkooda diblomaasiyadeedba waxay khatar ku hayeen jiritaanka Dowladaha labada Hoggaamiye ay Madaxda ka yihiin iyo xataa jiritaanka ilaa xad dalalkooda.

Wadahadalka marka loo fariistay, labada dhinac midkood wuxuu soo jeediyay in xaaladda colna aan ahayna nabadna aan ahayn ee tan 1977 taagnayd laga baxo.  Wuxuu soo jeediyay in xaaladdaas looga gudbo in ciidanka soohdinta isku hor fadhiya la kala qaado.  Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in la joojiyo dacaayadaha uu mid waliba kan kale ka fidinayo.

Marka intaas la helo oo ay kalsooni abuuranto in loo gudbo ka wadahadalka soohdinta lagu muransan yahay ee labada dal.

Dhanka kale, sidaa ma dooneyn mana oggoleyn.  Wuxuu qabay in waxa ugu horreeya ee laga wadahadlayaa ay noqdaan muranka soohdinta.  Taas oo aan laga heshiinna ma imaan karto ayuu yiri kalsooni iyo in xiriirka caadi laga dhigo.

Waa laba mowqif oo isdiiddan haddana  labada dhinac mid waliba mowqifkiisa ayuu ku adkeystay.  Labada Hoggaamiye sidaa ayay ku kala kaceen.  Wadahadalkana wax natiijo ahi kama soo bixin sida uu mas’uul miiska wadahadalka fadhiyay ii sheegay.

Berbera

Madaxweyne Siyaad dalka ayuu ku soo laabtay wuxuuna ka billaabay booqasho uu ku tegey degaanno ay ka mid yihiin Hargeysa iyo ka dib Berbera.

Isaga oo ku sugan Berbera, Madaxweyne Maxamed Siyaad waxaa soo gaartay farriin ka timid Ethiopia.  Diblomaasi Sare oo Soomaali ah oo farriinta siday ayaa ku wargeliyay in wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia uu diyaar u yahay in uu yimaado Muqdisho si uu wadahadal ula galo Dowladda Soomaaliya.  Siyaad arrintaa wuu aqbalay.

April 1988 waxaa Muqdisho ka soo degay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia, Berhanu Bayeh iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Wadahadal labada Dowladood ku dhex maray Muqdisho ka dib ayay Soomaaliya iyo Ethiopia soo saareen war-murtiyeed ay ku heshiiyeen qodobbo dhowr ah.

Waxaa uu heshiiskaasi dhigayay in ciidammada la kala fogeeyo oo mid waliba uu dib uga sii gurto soohdinta, in la labada dhinac uu mid kastaa joojiyo propagaandada ka dhanka ah midka kale iyo in labada dal ay is-wedyaarsadaan maxaabbiistii ay ku kala qabsadeen dagaalkii 1977.

War-murtiyeedka waxaa wadajir u soo saaray Axmed Maxamuud Faarax iyo Berhanu Bayeh.

Axamed Maxamuud Faarax wuxuu ahaa Ra’iisal Wasaare Ku Xigeen, wuxuuna ka tirsanaa Guddiga Siyaasadda ee halka Xisbi ee siyaadeed ee dalka ka jiray.  Axmed waxaa kale uu ka mid ahaa Golihii Sare ee Kacaanka oo ay xubno ka ahaayeen 25-kii sarkaal ee talada dalka xoog kula wareegay 21-kii Oktoobar 1969.

Berhanu Bayeh, waa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia.

ICRC

Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas dhowr jeer oo hore ayuu Soomaaliya iyo Ethiopia u qoray waxa afka diblomaasiyadda lagu yiraahdo Afti Rasmi ah (note verbale).  Wuxuu u soo jeediyay labada Dowladood in Maxaabbiista la isu celiyo.  Aftida Rasmiga ah ee ugu dambeysay waxaa labada Dowladoodba ay ICRC u dirtay 14 Maarso 1988.

Markii April ay ka war heshay in ay labada Dowladood ku heshiiyeen in Maxaabbiista ay is weydaarsadaan, ICRC mar kale ayay labada Dowladoodba u sheegtay in ay diyaar u tahay in ay iyadu fuliso howlgalka kala beddeleshada maxaabbiista.

Labada Dowladoodba waa ay aqbaleen.  Waxay ahayd tallaabo aadminnimo oo macna weyn ku fadhida.

Galabta uu soo dhacay warka ku saabsan in heshiis ay ku gaareen Soomaaliya iyo Ethiopia in ay maxaabbiista is weydaarsadaan, waxaan joogay Wakaaladda Wararka ee SONNA.  Waxaan markiiba telefoon ku wargeliyay Madaxa ICRC oo ka warsugayay waxa ka soo baxa wadahadalka labada Dowladood.

Xusuus iyo Uur-ku-taallo

Waxaan galabtaa soo xusuustay hadalkii Cabdulle Bashiir markii aan ugu tegey Naar Weyne. Waxaan u sheegay wiilkiisu in uu nool yahay kuna xiran yahay Ethiopia.  Saaxiibkiis oo arrintaa quus ka muujiyay ayuu Cabdulle ugu jawaabay “inta labada Oday ka wadahadlaayaan eey ka shiran tahay”. Sheekadaas waxaad ka akhrisan kartaa Qaybta Afraad ee Txanaha Maxaabbiista oo cinwaakeedu yahay Caliyaale iyo Naar Weye.

Nin oday ah oo maxaabbiista Ethiopia ka mid ah, oo ku jiray Isbitaalka Digfeer ayaan isagana maalmihii heshiiska xigay waxaan weydiiyay in uu maqlay in labada Dowladood ay heshiis gaareen oo la geynayo dalkiisa.

Ismaynaan af aqoon oo waxaa noo kala tarjumayay mid ka mid ah Maxaabbiista Ethiopia oo af Soomaali bartay ku dhowaad 11-kii sano ee uu Soomaaliya ku xirnaa.

Odagii in door ah ayuu af Xabashi ku hadlayay.  Waan la yaabay meeshii aan haa ama maya ka sugayay, hadalkan badan ee uu taxayaa wuxuu noqon karo.

Tarjubaanka ayaa markiiba ii fasiray.

Wuxuu odagu sheegay noloshiisa in laba jeer uu damcay in uu is dilo.  Mar waxay ahayd ayuu yiri markii beertiisa laga soo dhex qabtay, naagtiisii iyo dukaankiisii laga soo kaxeeyay ee xabsi Muqdisho yaalla la dhigay.  Si iyo wax aan isku dilo ayaan heli waayay ayuu yiri.

Marka labaad ee aan damcay in aan is dilo waa hadda ayuu yiri.  Waa marka aan muddada intaa le’eg xabsi ku jiray aniga oo aan waxba galabsan ee hadda la igu jeesjeesayo ee la i leeyahay dalkaaga ayaa lagugu celinayaa.

Waxaan soo xusuustay nolosheydii oo habeenkii ma seexdo.  Waxaana i haysa in aan is dilo.

W/Q. Yuusuf Garaad