Juxa ”Waxaa lagu guul dareystay Amniga iyo Siyaasada dadku qaatu ayey taagan yihiin”

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somalia Cabdi Siciid Faarax ‘’Juxaa’’, ayaa daboolka ka qaaday in dowlada Somalia ay dayacday Amniga shacabka Soomaaliyeed.

Cabdi Siciid Faarax ‘’Juxaa’’,waxa uu sheegay inuu dareemayo gaabis dhanka Amniga ah, waxa uuna qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in xitaa Siyaasad ahaan ay Soomaalidu dhiban yihiin.

Juxa waxa uu tilmaamay in Soomaalidu ay yihiin kuwo daalan isla markaana u baahan yihiin inay helaan jawi Amni iyo mid Siyaasadeed.

Waxa uu tilmaamay in dhibta ugu weyn ee iminka heysta Shacabka Soomaaliyeed ay tahay Amni xumo iyo Siyaasada uu ku socdo dalka oo aad u liidata, waxa uuna ku taliyay in la muujiyo isbedel dhab ah.

‘’Waxaa laga doonayaa dowlada inay samata bixiso Umadda Soomaaliyeed ee saaxiibka u ah amni darada iyo Siyaasad xumada jirta’’

Waxa uu intaa ku daray “Dalkani maanta sidiisaba waa nugul yahay, waana daalan yahay, dadkiisu siyaasad ahaan iyo amniba waa dacan yihiin, meel fogna waa laga yimid, dhaqaalo ahaana sabool baanu nahay, kalsoonida shacabkuna way kala daadsan tahay oo kalsooni xumo siyaasadeed ayaa jirta, dadkuna waxay u baahan yihiin isku wad iyo isu dulqaadasho oo furaha u ah in meesha la joogo horay looga sii socdo si taa loo gaaro, dalku waa in uu ahaadaa talo wadaag.”

Sidoo kale, Juxa wuxuu sheegay Somalia dhibaatada ka jirta in looga samatabixin karo dood caafimaad qabta oo ka maran daneysi gaar ah.

Nuqul kamid ah qoraalkiisa ayaa ahaa “Arrimahaas iyo kuwo kaleba si loo gaaro waxaa loo baahan yahay in dalkan uu yeesho dood, dood caafimaad oo dhab ah xasaasi ah, mararka qaarood xanuun badan, laakiin aan qofaysnayn, aan siyaasadaynayn, aan danaysanayn, balse Soomaaliyaysan, oo mustaqbalka ku wajahan, taa ayaa loo baahan yahay taas ayuu caafimaadka ku jiraa, labadaa doodood oo kala gadisan iyo afkaartaa kala gadisan dhexdooda ayaa xalka Soomaaliya ku jiraa.”

Dhinaca kale, Juxa ayaa dowlada Somalia ku dhiiri galiyay inay la imaado Amni iyo maskax dagan oo hirgalin karta dhammaan baahiyaha ku xeeran Siyaasada iyo xasilinta dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com