Mucaaradka Ethiopia ugu adag oo go’aan culus ku dhawaaqay kadib markii…

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Mucaaradka dalka Ethiopia ee dibad jooga ah ayaa shaaca ka qaaday inay dib ugu laabanayaan dalkooda.

Mucaaradkan oo la magacbaxay (Ginbot 7), oo saldhig u ah magaalada Asmara ee dalka Eriteria ayaa daboolka ka qaaday inay ku laabanayaan Ethiopia, isla markaana soo dhaweynayaan isbedelada Xukuumada cusub ee Addis ababa.

Tadesse Biru oo ah afhayeenka Kooxda mucaaradka Ginbot 7, ayaa sheegay inay muujinayaan isbedel dhanka mucaaradnimada ah, waxa uuna cadeeyay in isbedelkaasi uu imaaday kadib markii Ra’isul wasaare Abiy Ahmed uu ku dhawaaqay wadahadalka Eriteria.

Tadesse Biru oo u waramaayay BBC-da qeybteeda ku hadasha afka amxaariga, ayaa sheegay inay aad usoo dhaweynayaan Siyaasada cusub ee Ra’isul wasaare Abiy Axmed.

Tadesse Biru ayaa yiri ‘’Koox ahaan waxaanu ka duwanahay kuwa kale ee mucaaradka, anagu ma ridno rasaas, haddii ay dhacdo inaan ridno waxa ay aheyd mid aan ku difaaceynay Siyaasadeena’’

Sidoo kale, Kooxda mucaaradka Ginbot 7, ayaa dhaqaale ka hesha Dowlada Eriteria oo colaad daba dheeraatay ay kala dhexeyso Dowlada Ethiopia, hase yeeshee waxa ay arrintu iminka u muuqataa mid jaanrogtay Siyaasada Abiy Axmed.

Talaabada ay isugu soo dhawaaden Dowlada Ethiopia iyo Kooxda Ginbot 7, ayaa imaaneysa kadib markii Ra’isul wasaare Abiy Axmed uu ku dhawaaqay inay la heshiinayaan dowlada Eriteria oo jaar la’ah.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
Caasimada@live.com