Mucaaradka Kenya oo shaaciyay in halis Kenya ay kusii socoto

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa laga cabsiqabaa inay qaado wadadii ay mareen dowladaha Somalia iyo South Sudan oo wakhtiga ku dhameystay colaado iyo is jiidjiid aan dhammaan.

Saraakiisha isbaheysiga mucaaradka Kenya ee NASA ayaa sheegay in nabada iyo xasiloonida Kenya ay tahay mid ku xiran qancinta isbaheysiga.

Waxa ay saraakiishu sheegtay in lagama maarmaan ay tahay in Madaxweynaha Kenya Uhurro Kenyatta uu wadahadal gaara la furo Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka NASA, Raila Odinga.

Waxa ay tilmaameen inay gacanta kasii baxeyso xaalada amni iyo mida Siyaasadeed ee Kenya, waxa ayna sababta ku sheegen inay tahay ad adeega Madaxweynaha Kenya Mr Kenyatta.

Sidoo kale, Mr Kalonzo Musyoka oo kamid ah maamulka NASA, ayaa sheegay in wadahadalka uu keeni karo waddo ka duwan midda ay ka digayaan, uuna sahli karo in ay dowladda iyo Mucaaradku is fahmaan.

Uhurro Kenyatta ayuu ugu baaqay inuu qaato wadahadalka si meesha looga saaro xasil darada Siyaasadeed ee iminka ka jirta Kenya.

Haddalka NASA ayaa kusoo beegmaaya xili Hogaamiyaha Xisbiga uu ku goodiyay in dhawaan la caleemasaari doono haddii aanu wadahadal ka helin Uhurro Kenyatta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com