Shariif Xasan oo wada qorshe cusub iyo Aadan Saran Soor oo kashifay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu wado qorsho uu ku kororsanaayo xilka mudada kooban uga harsan.

Hogaamiyaha maamulka ayaa la xaqiijiyay in iminka uu ku dhaqaaqay qorshaha wakhti kororsiga, kadib markii uu arrintaa wadatashi kala sameeyay qaar kamid ah Xildhibaanada maamulka.

Shariif Xasan ayaa Xildhibaanada ka helay ogolaansho wakhti kororsi ah, isagoo ku andacoonaayo inuu qabyeeyay howlaha maamulka.

Aadan Maxamed Nuur “Saran Soor” oo ka mid ah Siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada maamulka ayaa sheegay inaanu hirgali doonin qorshaha uu Shariif Xasan ku doonaayo wakhti kororsiga.

Saran Soor waxa uu tilmaamay in Shariif Xasan uu xiligaan doonayo muddo kororsi hor leh, maadaama waqtigiisa xil heynta uu yahay mid sii dhamaanaya.

Sidoo kale, Saran Soor, ayaa carab dhabay in Shariif Xasan uu ku fashilmay hogaanka maamulkaasi, islamarkaana uusan wax ka qaban adeegyada bulshada, sida Caafimaadka, Waxbarashada iyo Dhismaha Waddooyinka.

Dhinaca kale, Xildhibaanada maamulka ayuu ugu baaqay inay ka waantooban in wakhti kororsi ay u ogolaadan Shariif Xasan oo uu sheegay inuu fashilmay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com