Muxuu guddoomiyihii maxkamada G/Banaadir ka yiri kala dirista maamulka Gobolka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu kala diray maamulka Gobolka Banaadir isla markaana magacaabay maamul cusub ayaa waxaa arrintaa ka hadlay Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur.

Xaashi Cilmi oo u waramaayay Idaacadda SMN ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Madaxweynaha Somalia uu xor u yahay inuu magacaabo cida la shaqeynkarta, isla markaana xil ka qaadis ku sameynkaro cida uu u arko mashaqeyste, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu Xaashi Cilmi sheegay inaanu jirin cid si maalaayacni ah xilka looga qaadayo iyadoo aan lagu helin qaladaad uu ku kacay, waxa uuna soo dhaweeyay kala dirista maamulka Gobolka Banaadir iyo magacaabida maamulka cusub.

Waxa uu tilmaamay in Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha lagula xisaabtami doono wixii khaladaad ah oo ay geystaan shaqsiyaadka ay magacaaban, isagoo taa bedelkeeda sheegay inay xaq u leeyihiin inay xilka ka qaadan cida ay u arkaan inaanu shaqeysaneynin ama ay magacaaban cida gudankarta waajibka Qaran.

Xaashi Cilmi, ayaa ugu baaqay shacabka Muqdisho inay taageeran hanaanka shuruucda u degsan dalka, iyadoo la eegaayo danaha Qaranka.

Sidoo kale, guddoomiyihii hore ee Maxkamadda gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur, oo wax laga weydiiyay arrinta Maqaamka Muqdisho ayaa sheegay in go’aan ka gaarista Maqaamka Caasimadda ay tahay mid u taala baarlamaanka Federaalka ah ee Somalia.

Waxa uu intaa raaciyay inaanu jirin cid xiligaan ay mas’uuliyad gara ka saran tahay inay raadiso Maqaamka Gobolka Banaadir, hase ahaatee uu ugu dhow yahay baarlamaanka Somalia.

Dhinaca kale, maamulka Gobolka Banaadir ee magacaaban ayuu ugu baaqay inay ka fogaadan khaladaadka ay xilka kuwaayen kuwii hore, haddii kale ay mari doonaan halka ay kuwaasi mareen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com