Mucaaradka Puntland oo ka horyimid go’aankii Deni

Garoowe (Caasimada Online) – Mucaaridka Puntlnad ayaa ka horyimid waqtiga uu madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni u asteeyay qabsoomida doorashada goleyaasha deegaanka ee Puntland.

Guddoomiyihii hore ee guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa go’aanka kasoo baxay Saciid Deni ku tilmaamay mid aan suurta-gal aheyn, islamarkaana ay ku dhici karin doorashada goleyaasha deegaanka ee qof iyo codka ah.

“Wax badan ayaa ka dhiman hawlaha diiwaan-gelinta iyo diyaarinta doorashada, suurta-gal ma ahan mudeynta uu iclaamiyay madaxweynaha,” ayuu yiri Guuleed Saalax Barre.

Guuleed oo haatan kamid ah mucaaridka madaxweyne Saciid Deni ayaa waxa uu hore iskaga casilay xilkii Guddoomiyenimo iyo xubinimadii guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, oo cadaadis badan uga imaanayay dhanka Madaxtooyada.

Madaxweynaha Puntland ayaa Axaddii soo saaray wareegto uu ku asteeyay xilliga ay dhaceyso doorashada goleyaasha deegaanka ee Puntland, taasi oo laga dhigay maalin Khamiis ah oo ah 25-05-2023-ka.

Go’aanka Deni ayaa daba socday warqad dhawaan ka soo baxday guddiga KMG ah ee doorashooyinka maamulkaasi, ujeedadeeduna aheyd mudeynta maalinta doorashada goleyaasha deegaanka ee dowlad goboleedka Puntland.

“Xeerkani wuxuu dhaqan-galayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay madaxtooyada maamulka Puntland.

Si kastaba, waxaa muddooyinkii dambe ka taagna maamulka Puntland khilaaf xooggan oo la xiriira doorashooyinka qof iyo codka ah, ayada oo mucaaridka uu ka horyimid hanaanka ay u wado xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Deni.