24.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 28, 2026

Sawirro: Shiinaha ma kusoo biirayaa dagaalka Somalia?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhiga Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Muqdisho kulan miro dhal ah kula qaatay danjiraha Shiinaha u fadhiya Somaaliya Mudane Fei Shengchao.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka, horumarinta nabada & amniga gobolka iyo weliba dagaalka Al-Shabaab ee ka socda dalka.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada-hadlay ajandayaasha dowladda ee la-dagaalanka argagixisada iyo muhiimadda ay leedahay qaadista cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxay labada masuul isla meel dhigeen in Soomaaliya iyo Shiinaha ay iska kaashadaan la-dagaalanka argagixisada, ayada oo xukuumadda Beijin ay garab taagan tahay howl-galada ka socda dalka.

Shiinaha ayaa taageeradiisa kusoo biiriyay dalal dhowr ah oo Soomaaliya ku garab istaagay dagaalka ay kula jirto kooxda Al-Shabaab, kaasi oo bilihii dambe ka socday qeybo badan oo dalka.

Dagaalkan ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa laga gaaray guulo waaweyn, ayada oo kooxda Al-Shabaab laga saaray deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Guusha laga gaaray dagaalka Al-Shabaab ayaa sidoo kale waxa qeyb ka ah weerarada diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada Soomaaliya, kuwaasi oo badi lagu beegsado xubnaha iyo saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab.

- Advertisement -

Read more

Local News


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60