Mucaaridka SACIID DENI oo ka digay laba arrin oo halis ku ah jiritaanka PUNTLAND

Garoowe (Caasimada Online) – Madasha Siyaasadda Puntland ayaa si adag uga hortimid qorshaha Deni ee doorashada qof iyo cod, taasi oo ay sheegeen in laga leexiyay hanaankeedii saxda ahaa.

Qoraal kasoo baxay madasha ayaa sidoo kale waxa looga digay in damaca kooxda Deni u horseedi karo Puntland halis amni iyo xasilooni la’aan siyaasadeed, sida ay sheegeen.

“Waxaa jirra walaac weyn iyo diidmo ay ka muujiyeen bulshada gobolada Bari, Karkaar iyo Gardafu is-diiwaangelinta gacan marooqsiga ah ee xukuumaddu waddo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Shacabka deggen gobolladaas oo aan la kulanay waxay dareen wel-wel leh ka muujiyeen damaca muddo kororsiga ku dhisan ee madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, kaasi oo ku lifaaqan diiwaan-gelinta baalmarsan dastuurka Puntland iyo xeerarka doorashooyinka.”

Waxay sheegeen in madasha u cadaatay in guddiga kumeel-gaarka ah ee doorashooyinka (TPEC) ay baal-mareen xeerarkii u degsanaa hanaanka diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha iyo doorashooyinka guud ahaan, ayna bilaabeen diiwaan-gelin aan loo dhameyn xilli uu jiro khilaaf xoog leh.

“TPEC waxay billowday diiwaan-gelin aan loo dhameyn xilli uu jiro khilaaf xoog leh iyo kala qeybin qabaa’ilka lagu kicinayo oo horseedi karta halis amni iyo xasilooni la’aan siyaasadeed.”

Qoraalka kasoo baxay madasha ayaa waxa kale oo lagu sheegay in ururka Kaah oo ah midka kooxda Deni uu duruufo dhaqaale uga faa’iideysanayo dadka barakacayaasha, kuna tumanayo xuquuqdooda.

Intaas kadib waxay madashu ku baaqday shan qoddob oo muhiimad gaar ah u leh xaaladda taagan, kuwaasi oo kala ah;

  1. In Guddiga kumeel-gaarka ah ee doorashooyinka (TPEC) aysan halis amni iyo xasilooni la’aan siyaasadeed u horseedin Puntland, islamarkaana aysan baalmarin Dastuurka dowladda Puntland iyo shuruucda dalka u degsan.
  2. In xukuumaddu joojiso afduubka shaqadii loo idmaday Guddiga doorashooyinka (TPEC) oo ay hoggaaminayaan wasiirada xukuumadda, gudoomiyaasha gobollada iyo degmooyinka.
  3. In ciidmadda amniga Puntland qeybahooda kala duwan aysan ku milmin siyaasadda una adeegin damac shakhsi sidoo kalana ka fogaadaan wax walba oo dhaawici kara taariikhda iyo sumcada wanaagsan ee ciidamada Puntland leeyihiin isla markaana ku ekaadaan waajibaadkooda dastuuriga ah.
  4. In xukuumadda Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni oo ku hawlan muddo kororsi ay joojiso marin habaabinta shacabka lagu hayo iyo ku takri-falka dhaqaalaha ummadda oo ay u adeegsanayso dano siyaasadeed iyo kala qeybinta dadka reer Puntland.
  5. Waxay Madasha Siyaasadda Puntland ugu baaqaysaa Isimada, cuqaasha, waxgaradka iyo bulshada qeybahooda kala duwan in laga hortago hubanti la’aanta siyaasadeed ee xukuumadda Siciid Cabdullahi Deni ku hawlantahay si dano shakhsi loogu gaaro.

“Ugu danbayn Madashu waxay ugu baaqaysaa in shacabka Puntland ay ku faro adaygaan nabadda iyo xasiloonida ay haystaan meelna uga soo wada jeestaan cid walba oo kala qeybin bulsho iyo khalkhal amni-darro ku hawlan.”