Dagaal u dhexeeya Jubaland iyo Al-Shabaab oo maanta ka qarxay duleedka Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyo ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa ka qarxay deegaanka Singaleyr, kadib markii ay weerar kusoo qaadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Weerarka kadib ayaa waxaa xigay iska hor imaad toos ah, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale warararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka lagu dhaawacay taliyihii ciidanka Jubbaland ee saldhigyada Singaleyr iyo Buundada Wirkoy iyo laba askari oo kale.

Saraakiil u hadashay Jubbaland ayaa dhankooda shaaciyay inay iska difaaceen weerarka uga yimid kooxda Al-Shabaab, ayna gacanta ku hayaan deegaanka lagu dagaalamay.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana labada dhinac ay dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ay ka wadaan duleedka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Weerarkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan Jubbaland u diyaar garowday howlgallo lagu xoreynayo deegaanada ay maamulkaas ka joogaan xoogaga Al-Shabaab.

Ujeedka ayaa ah in la qabto degmada Jilib oo ah xarunta gobolka Jubbada Dhexe, isla-markaana uu ku yaallo saldhigga ugu weyn ee kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa haatan wajaheysa kacdoon uga billowday gobollada dalka, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda.