DAAWO:: Muxuu ka dhigan yahay weerarkii Al-Shabaab ee xarunta gobolka Banaadir?

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa Axadii weerar ku billowday is-miidaamin ku qaaday dhismaha Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, kaas oo saacado badan qaadatay, waxaana ku dhintay ugu yaraan 6 qof oo kamid ahaa shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir, halka tiro kale oo aan la cayimina ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya oo howlgal culus sameeyay ayaa kadib waxay soo afjareen weerarkaas, ayada oo goobta lagu soo bandhigay meydadka ugu yaraan illaa shan xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo weerarka fuliyay.

Haddaba Muxuu ka dhigan yahay weerarkii lagu qaaday xarunta gobolka Banaadir?

Aqoonyahan Cabdiraxmaan Sahal Yuusuf oo falanqeeya arrimaha amniga ayaa ka falceliyay weerarka ay kooxda Al-Shabaab la beegsatay gudaha xarunta maamulka gobolka Banaadir, kadib wareysi gaar ah oo uu siiyay Telefishinka Caalamiga ah ee Universal TV.

Cabdiraxmaan Sahal ayaa shaaca ka qaaday in weerarka lala beegsaday xarun muhiim oo dowladeed, isla-markaana uu ka dhigan yahay in shacabka iyo hay’adaha ammaanka aysan laheyn wadashaqeyn rasmi ah maadaama la bartilmaameedsaday xaruntii gobolka Banaadir.

“In Al-Shabaab ay weeraraan xarunta gobolka Banaadir waxay ka dhigan tahay in shacabka iyo hay’addaha amaanka dowladda aanan la hayn wada-shaqeyn toos ah,” ayuu yiri Sahal.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ragga weerarka geystay in ay lugeynayeen, isla-markaana ay soo mareen xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, kahor inta aysan geysan weerarka.

Cabdiraxmaan Sahal ayaa soo jeediyay in la’isku xiro shacabka iyo ciidamada ammaanka, si loo sugo amniga magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

“Amniga sidoo kale waxaa ka qayb qaadan kara bulshada waxaa weeyaan dhaqaalaha qayb ayuu ka yahay amniga marka waa in hoos loo daadajiyo dowladda,” ayuu sii raaciyay.

Waxa kale oo hoosta ka xariiqay in la qaado tallaabooyin looga hortagayo kooxda Al-Shabaab, isaga oo ku baaqay in la xoojiyo dagaallada uga furan gobollada dalka, isla-markaana la gaasiiyo gobollada ee dalka, sida Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

“Dagaalka ka socdo gobollada in la sii xoojiyo tuulooyinka iyo meelaha ay ku hareena looga daba tago, dagaalkana laga fududeeyo aagaga kale, sida South West iyo Jubbaland, kadibna waxay u badan tahay in waa cusub uu baryo,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Sahal.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, maalin uun kadib weerarkii Al-Shabaab ee xarunta gobolka Banaadir, kaas oo ka mid noqday weeraradii ugu xooganaa ee ka dhaca caasimada.