Mucaaridka Somaliland oo blilaabaya qorshe cusub oo ka dhana golayaasha (Aqriso)

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xisbiyada mucaaridka Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyay waxay wadeen qorshe cusub oo ay ku doonayaan inay kuraasta kaga ridaan golayaasha deegaanada Somaliland, gaar ahaan midka caasimada Hargeysa.

Xisbiyada Waddani iyo Ucid ayaa si wada-jira u sheegay inay rabaan inay kuraasta baneeyaan xildhibaanada golaha deegaanka Hargeysa iyo kuwa kale ee waqtiga badan ku soo fadhiyay sharci darada, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Labadan xisbi ayaa shaaca ka qaaday qorshahooda cusub ee ay ku rabaan in kuraasta kaga ridaan golayaasha, kuwaasi oo sheegay inay doonayan 5-kun oo qof inay saxeexaan qoraal ay ku codsanayaan inay kuraasta baneeyaan xildhibaanadaasi, iyagoona xusay in codsigaasi ay u gudbin doonaan Maxkamadda.

Xoghayaha ciyaaraha ee xisbiga Waddani, Yoonis Axmed Yoonis iyo Xoghayaha xidhiidhka gobolada ee xisbiga Ucid, Cabdiqani Salaf “Kabtanka” oo maanta si wada-jir ah warbaahinta Hargeysa ula hadlay ayaa arrinkaasi shaaca ka qaaday.

Xoghayaha ciyaaraha ee xisbiga Waddani oo ugu horeyntii warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu yiri “Ramadaan illaa maalintan aynu joogno Roobku wuu soo noq-noqdaa oo llaahay Raxmaadkiisa si wanaagsan ayuu ugu soo noq-noqdaa, laakiin waxaad mooddaa in Magaalada Hargeysa bilaa Maayar tahay, Dadweynaha Caasimadda waxaanu leenahay Hargeysa waa bilaa Maayar, markaan sidaa leeyahay waa wuu joogaaye waa Magac u yaal”.

“Waxaanu doonaynaa in Shanta Degmo ee Caasimaddu nagala qayb-qaataan Codsi Golaha deegaanka ee Caasimadda lagaga tuurayo meesha, degmo walbana waxaanu ka doonaynaa kun Qof, 5-kun Qof haddaynu hello waxaynu iska tuuraynaa heeryada Dulmiga iyo Golahaa deegaanka ee aan Sharciga ahayn ee Caasimadda fadhiya”.

Xoghayaha xidhiidhka gobolada ee xisbiga Ucid, ayaa isaguna wuxuu intaas kusii daray “Hargeysa waa Magaalada ugu qashinka badan Magaalooyinka Somaliland, Roobku markuu da’o meel kasta Qashin baa xidha, Waddooyinkii suuqa waxa fadhiya dhiidhi iyo biyo Bakteeriyo ka buuxdo”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com