MUCJISO: Guri iyo dadkii ku noolaa oo gubtay iyo Kitaab Qur’aan ah oo bad-baaday (Aqri faah faahin)

Alle ayaa Quraankiisa noogu sheegay inuu koryeelaayo ama uu xafidaayo Quraankiisa, Waxa ay ahayd Maalin Talaado ah waxaa mar Qura Gubtay Guri ku yaala Dalka Ciraaq oo ay ku sugnaayen Ehelkii lahaa Gurigaasi ruux ka bad-baadayna ma jirin Dabka ka kacay gurigaasi markii laga reebo Kutubo Qur’an oo yiilay Qeyb kamid ah Gurigaasi

Arintaasi waxa ay mucjiso Rabbaani ah ku noqotay Dadka Reer Ciraaq waxaana goobta uu Guriga ku yiilay soo buux-dhaafiyay Ciidamada Amaanka si ay u bad-baadiyaan Ehelka Hooygaasi kunoola Hayeeshe ma jirin cid ka bad-baaday dabkaasi ka kacay Gurigga

Guriga ayaa gubanaayay muddo laba saac ah mana jirin cid awooday inay damiso Dabkaasi, Saacado kadib marka dabka uu yaraaday damintiisa waxaa awood ku bixiyay Ciidamada ka hortaga dhibaatooyinka Bulshadda waxa ay damiyeen Dabkii waxa ayna gudaha u galeen Guriggi waxa uu indhahooda qabtay dadkii iyo alaabta Gurigga oo wada gubtay Hayeeshee waxaa bad-baaday Kutubo Quraa’n

Ugu dambeyntii Baaritaano kadib Ciidamada Amaanka waxa ay soo xaqiijiyeen in Gurigaasi uu ahaa mid xili waliba lagu sameyn jiray waxyaabo uusan alle raali ka ahayn taasina waxa ay soo dadajisay in Mucjisadaasi ay ku habsato gurigga

Anwar Bakhiit