Muddada arooska siyaasadeed ee madaxweyne Farmaajo?

Qolyaha arrimaha siyaasadda falanqeeya waxay yiraahdaan ‘Political Honeymoon Period of a Presidency’ amase ‘Muddada Arooska Siyaasadeed’ ee Madaxweynenimada – waxay timaaddaa waqtiga ama xilliga madaxweyne cusub ku guulaysto doorasho shacabku u oomman yahay isbeddel hoggaamineed ee dalka ka dhaca.

Waxaa lagu qeexaa ‘Muddada Arooska Siyaasadeed’ ee madaxweyne cusub inay tahay: muddada ka bilaabata maalinta madaxweynaha cusub la doorto ilaa bisha ama dhowrka bilood ee xiga maalintii la doortay. Inta lagu jiro xilliga ‘Muddada Arooska Siyaasadeed’ – shacabweynaha badankood, golaha baarlamaanka iyo warbaahintu intuba waxay u heellan yihiin inay si niyadsami leh madaxweynaha cusub ula shaqeeyaan waxayna sidoo kale hilow u qabaan inay arkaan isbeddelka madaxweynaha cusub shacabka u yaboohay ee uu ballanta iyo wacadka ku maray inuu la iman doono.

Madaweynaha Qaranka Soomaaliyeed Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sidaynu dhammaanteen aragno oo wada og nahay wuxuu ku jiraa ‘Muddada Arooska Siyaasadeed’ – waxaannu Ilaahay uga baryaynaa inuu ku guulaysto hirgalinta isbeddel horumar leh oo taabanaya dhinacyada: 1) nabadgalyada 2) dhaqaalaha 3) waxbarashada 4) caafimaadka 5) xukun-wanaagga 6) taabbagelinta sharciga 7) joojinta musuqa 8) naqdinta gaalaysiinta/murtad-ka-yeelidda 9) midaynta ummadda Soomaaliyeed.

Marka ‘Muddada Arooska Siyaasadeed’ ee madaxweynuhu haatan ku naalloonayo laga gudbo, waxaa iman doona in xubnaha Golaha Shacabku la xisaabtamaan Golaha Fulinta kaasoo ah maamulka cusub ee dalku yeeshay kana kooban: Madaxweynaha, Wasiirka Koowaad iyo Golaha Wasiirrada.

Golaha Shacabku wuxuu kala xisaabtami doonaa Golaha Fulinta (Madaxweynaha, Wasiirka Koowaad iyo Golaha Wasiirrada) masuuliyadda hawlaha loo igmaday oo ay ka mid yihiin: 1) nabadgalyada 2) dhaqaalaha 3) waxbarashada 4) caafimaadka 5) xukun-wanaagga 6) taabbagelinta sharciga 7) joojinta musuqa 8) naqdinta gaalaysiinta/murtad-ka-yeelidda 9) midaynta ummadda Soomaaliyeed.

Sida ka jirta dalal badan oo dalkeenna ka horumarsan, madaxweyne cusub ama wasiir koowaad (raysal wasaare) cusub inta ay ku jiraan ‘Muddada Arooska Siyaasadeed’ – waxay uga faa’iidaystaan muddadaas – oo badanaaba ah muddo kooban – inay fuliyaan hawlo-qaran oo ay adag tahay in la taabbagaliyo marka laga baxo ‘Muddada Arooska Siyaasadeed’.

Markii Golaha Shacabku sida geesinnimada leh u doorteen Madaxweyne Farmaajo, oo horay u soo noqday Wasiir Koowaad (Raysal Wasaare) shacabweynaha Soomaaliyeed-na tusay waxqabad muuqda oo uu ku fuliyay muddo kooban gudaheed – waxaa si wayn daafaha Dunida looga arkay farxadda iyo damaashaadka ummadda Soomaaliyeed ku soo dhowaysay natiijadii doorashadii xildhibaannadu soo dooreen Farmaajo, taasoo shacabku ku cabbiray oraahdii farax-awgi kula dayoobay gudaha magaalada Jowhar Cabdullaahi Maxamuud Cismaan, isagoo carrabka ka goyn waayay: ‘Ar Farmaajo ii geeya, Ar Farmaajo ii geeya..’.

Farxaddaas wayn ee Ummadda Soomaaliyeed ku muujiyeen baahida ay u qabaan dowladnimo run ah – farxaddaas oonka iyo harraadka loo qabo dowladnimadu keentay ayaa iyaduna markeeda keentay ‘Arooska Siyaasadeed’ ee uu ku jiro Madaxweyne Farmaajo oo maanta la caleemo saaray.

Madaxweynaha Qaranka Soomaaliyeed Mudane Farmaajo waxaa u yaalla hawlo waawayn oo aad u culus siduu maanta u sheegay Madaxweyne Geelle-ha Jabuuti oo ka khudbeeyay xafladda caleemo saarka Madaxweynaha. Waa in Madaxweynaha Soomaaliya ka faa’iidaysto ‘Muddada Arooska Siyaasadeed’ ee shacabka iyo Golaha Shacabkuba u heellan yihiin waxqabadkiisa – waa inuu ficil kala hor dhaco qodxaha iyo jallaafooyinka tirada badan leh ee ay la maaggan yihiin danley iyo dowlado diiddan in Soomaaliya tillaabo u qaaddo dhabbaha midnimadeeda iyo horumarkeeda.

Fantasiyaha ‘Aroos Siyaasadeedka’ Farmaajo oo uusan fogayn af-meeriddiisu, ficil dhab ah iyo feejignaan baa looga fadhiyaa Madaxweynaha cusub kaasoo ah: yagleelidda dowlad midnimo qaran oo dejisa qorsheyaal u dhigma barnaamijyadii Rajab Dayib Erdogan iyo Mohamed Mahathir ku hormariyeen shucuubta Turkiga iyo Malaysia.

W/Q: Maxamuud Axmed Sharmaarke

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid