Muxuu Ilka-xanaf ka yiri magacaabi RW Xasan Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Dalka Caydiid C/laahi Ilka-xanaf, ayaa ka hadlay magacaabida Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia.

Ilka-xanaf, ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo uga danbeeyan howlaha Dowlada.

Ilka-xanaf, waxa uu sheegay inuu soo dhaweynaayo Ra’isul wasaaraha cusub, waxa uuna tilmaamay in Madaxweynaha uu isaga garanaayo sababaha uu ku doortay Ra’isul wasaare Kheyre.

Ilka-xanaf, waxa uu sidoo kale sheegay aqoonta uu u leeyahay Khayre in ay tahay mid wanaagsan, sidoo kalena uu yahay nin ka shaqeeya arrimaha Bani’aannimada, hadana Soomaaliya ay u baahan tahay arrimahaasi oo kale.

”Madaxweynaha waxa uu awood u leeyahay inuu magacaabo cida uu wanaag iyo maslaxad u arko, waxaan hubaa in Kheyre uu ka bixikaro howsha loo magacaabay waxaana rajeynayaa inuu la imaan doono Qorsho howleed”

Dhinaca kale, Ra’isul wasaare Kheyre ayuu ugu baaqay inuu magacaabo Gole Wasiiro oo tayo leh, si buu yiri looga gudbo baahida loo qabo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com