Muddo korarsiga Axmed Madoobe – Maxaa Xasan iyo Reer Gedo laga filayaa ?

By Abdullahi Osman Faarah

Kismaayo (Caasimada Onlie) – Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa u dhaqaaqay dhabbo uu marar badan ka diiday nidaamkii baxay ee madaxweyne Farmaajo.

Dariiqaan waa muddo dheereysi, waa dariiqa dila dowladnimada kala geeya dadka, dhinaca kalana abuura xasilooni darrida amniga.

Lama fileyn inuu Axmed Madoobe qaban doono dhabahaan iyadoo uu Jubbaland ku furan yahay dagaalka Al-Shabaab iyo kala fogaanshaha bulshadii wada-dhisatay maamulka.

Axmed Madoobe wuxuu hormuud u ahaa xulafadii diiday muddo kororsigii uu Farmaajo sameeyey bishii April ee sanadkii 2021.

Wuxuu ku sheegay muddo kororsigaasi inuu yahay mid sababayo inay Soomaalida kala tagto, hadda waxaa hor taala su’aal ah inuu muddo kororsigiisu kala diri doono Jubbaland?.

Muddada xil-heynta ee hay’adaha la doorto ee Jubbaland ayaa hal sano lagu kordhiyey, sidaas darteed Axmed Madoobe oo uu waqtigiisu ku ekaa bisha Agoosto 2023, wuxuu hadda sii joogi doonaa illaa iyi bisha Agoosto 2024. Mar si kale loo dhaho muddada xil-haynta ee hey’adaha la doorto ee Jubbaland waxaa laga dhigay 5 sano .

Arrintaan falcelin diidmo ah ayey deg deg ula kulantay. Dadka diiday in muddo xileedka Axmed Madoobe la dheereeyo waxaa kamid ah Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, kaasi oo ay muddo dheer xulafo ahaayeen Axmed Madoobe.

Diidmada Fartaag iyo xubno kale waxaa laga bixiyey fasiraad kala duwan, laakiin waxaa loo badan yahay in markii ugu horeysay uu Axmed Madoobe wajihi doono caqabado siyaasadeed oo dhab ah, iyadoo dhinaca kale isha lagu hayo sida uu Jubbland u saameyn doono isbadalka hoggaamineed ee Kenya.

Tallaabada muddo kororisga ee hoggaamiyaha Jubbaland waxay imaaneysaa iyadoo ay weli far u taagan tahay dadka reer Gedo. Xoogga reer Gedo kuma qanacsana hab xukunka dabada dheeraaday ee Axmed Madoobe.

Waxay dhowr jeer keeneyn sababo la xiriira gunta diidmadooda, laakiin dood dhab ah lagama gelin. Axmed Madoobe oo inta badan ku tiirsan Kenya waa hoggaamiyaha ugu waqtiga dheer madaxda Soomaalida ee casrigan.

Tallaabada hoggaanka Jubbaland ee waqti dheereysiga ayaa la fahamsan yahay inay kordhin karto dadka diidan Axmed Madoobe iyo inay sii kala fogeyn karto qabaa’iladii wada-dhistay maamulkaas.  Waxyaabaha kale ee ka dhallan kara waxaa kamid ah in dowladda Federaalka ah ay xakameyn weyso maamul goboleedyada.

Qodobka 121 ee dastuurka Soomaaliya wuxuu leeyahay “Mabda’iyan waa in la is waafajiyaa dastuurka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dastuurada dowladaha xubinta ka ah dowladda Federaalka.” Micneynta qodobkaan waa in dastuurka Soomaaliya uu sheegayo in muddo xileedka madaxda la doortay ee dowladda Federaalka ah uu yahay Afar sano si taas lamid ahna xubnaha la doorto ee maamu goboleedyada iyaguna muddo xileedkoodu waa 4 sano.

Puntland oo kaliya ayaa gaar ah oo 5 sano uu yahay muddo xileedkeeda, waxaana sababta lagu sheegay in dastuurka Puntland la qoray inta aan la qorin midka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana xilligaasi lagu heshiiyey in Puntland sideeda loo dhaafo illaa dastuurka Soomaaliya laga dhameystirayo.

Goor sii horeysay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen wuxuu muddo xileedkiisa ku darsaday hal sano, dood ayaana weli ka taagan. Cali Guudlaaawe ayaa sidoo kale sameeyey labadaas ninba waxay tallaabooyinkasi qaadeen intii ay jirtay dowladdii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hadda Axmed Madoobe wuxuu qaaday tallaabadaan iyadoo ay jirto dowladda madaxweyne Xasan Sheekh, weli waxba kama aysan dhihin dowladda Federaalka ah tallaabada uu qaaday hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Waxaa muuqata in ilaalinta muddo xileedku uu noqday waxa aan mudnaan badan ka laheyn Villa Somalia, waxaana dhici karta in maamulo cusub isku diyaarinayaan muddo kororsi haddii aysan dowladda federaalka ah deg deg ula imaanin go’aano la xiriira kuwii horey u sameystay muddo kordhinta kuwa cusub iyo kuwa laga yaabo inay hadda qorsheenayaan.

Dhanka Axmed Madoobe, iyadoo sabab caqli gal ah aan loo sameyn muddo dheereysiga, haddana dadka waxay leeyihiin lagama qaadan doono Axmed wixii uu diiday inuu Farmaajo ka qaato.