Daawo: Xasan Sheekh oo shacabka toos ula wadaagay qorshihiisa Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo galabta shir guddoomiyey kulan aan caadi ahayn oo Guddiga Amniga Qaranka uu isugu yeeray ayaa caawa soo saaray fariin culus oo ku socota shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa khudbadaan uu caawa jeediyey wuxuu diiradda ku saaray amniga, gaar ahaan dhagarta Al-Shabaab oo weerar laba habeen socday iyo qaraxyo ka fulisay Muqdisho, wuxuuna mar kale ku celiyey balan qaadkiisii ciribtirka Al-Shabaab.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay howlagallada ka socda gobollada dalka, kuwaas oo uu sheegay in dowladiisu ay awooda isugugey doonto sidii ay u guuleysan lahaayeen.

“Waxaa naga go’an in aan argagaxisada dhibaatada ku ah shacabkeenna awood-tirno, ilaa laga xoraynayo dhammaan deegaannada ay xoogga ku haystaan. Qorshahaasi waa mid fulintiisa iyo diyaargarowgiisu ay socdaan, waa qorshaha mudnaanta koowaad u leh dowladdeenna,” ayaa yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu xusay inuu aad uga dheregsan yahay dhibaatada ay Al-Shabaab ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, cabsida, dhaca, dilka iyo go’doonka ay ku hayaan ayuu balan qaaday in dowladiisu ay soo afjari doonto mar aan fogeyn.

“Shacabka Soomaaliyeedoow, waan ogahay inaad ku daasheen tacsida iyo barooradiiqda joogtada ah. Waan ogahay in qarax walba oo ay argagaxisadu soo maleegaan aad ku weydaan dad agtiinna qaali ku ah, sidaasi awgeed, waxa aan idinka codsanayaa inaad u diyaargarawdaan dagaal aan waxba lala harayn oo lala galo arxan-laawayaasha liddiga ku ah nabaddeenna iyo dowladnimadeenna,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Hoos ka daawo

https://youtu.be/0aofp_GXBRI