Muddo kororsiga uu Abiy sameystay oo laga horyimid iyo wararkii ugu dambeeyey xiisadda Itoobiya

Addis Ababa (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xisbiyada mucaaradka Itoobiya ayaa si weyn uga horyimid muddo kordhin uu shalay baarlamanka dalkaas u sameeyey ra’iisul wasaare Abiy Ahmed.

Baarlamanka ayaa ogolaaday in Abiy Ahmed uu xafiiska sii jooga illaa muddo aan la cayimin, oo ah inta laga gudbayo halista cudurka Coronavirus kadib markii doorashooyinkii la qorsheeyey bisha August loo hakiyey sababo la xiriira cudurka.

Xisbiyada mucaaradka Oromada ee OLF iyo OFC iyo xisbiga Soomaalida ee ONLF ayaa kasoo horjeestay go’aanka muddo kordhinta, oo ay ku qeexeen mid sharci-darro ah.

Bayaan ay soo saareen ayay xisbiyadan ku cambaareeyeen “go’aanka halka dhinac ah ee aan la isku wada raacin,” waxayna ka digeen in Itoobiya ay galeyso marxalad horseedi doonta qalalaase siyaasadeed.

Mucaaraadka qaarkood ayaa dalbaday in lasoo dhiso dowlad KMG ah oo lagu mideysan yahay oo dalka ku hagta doorashooyinka, taasi oo Abiy Ahmed uu ku gacan seeray kuna sheegay mid aan dhici karin.

Isniintii waxaa is-casishay Khayria Ibraahim oo ahayd afhayeenka Aqalka Sare, kana tirsaneyd xisbiga Tigrayga ee TPLF, ayada oo sheegtay inaysan dooneyn inay la shaqeyso “koox ku xadgudbeysa dastuurka, islamarkaana ku dhaqmeysa kali-talisnimo.”

TPLF ayaa si cad u diiday muddo kororsiga iyo dib u dhigista doorashada, waxaana ay sheegeen in gobolka Tigray ay ka qaban doonaan doorasho ka madax banaan midda federaalka.

Cabsida ugu weyn ayaa hadda ah dibad-baxyo waa weyn iyo rabshado ka dhan muddo kordhinta Abiy Ahmed oo dalka ka billowda.

“Waxaan walaac ka muujineynaa kacdoon baaxad weyn oo isku beddela rabshado oo dalka ka billaaban kara, middana naguma celin doonto halkeenii hore, ee waxay noqon doontaa arrin ay adkaan doonto inay xakameyso dowlad markii horeba la tacaaleysay caqabado dhaqaale iyo kuwa caafimaad,” ayaa lagu yiri bayaan ay si wadajir ah usoo saareen xisbiyada Oromada ee OLF iyo OFC.

“Maadaama hadda dowladda ay qaadatay go’aan hal dhinac ah, inkasta oo ay ka digeen xisbiyada, ONLF waxay xaqiijineysaa in Itoobiya ay galayso marxalad siyaasadeed oo halis ah,” waxaa sidaas yiri ONLF.